Waxaa marba marka ka dambaysa si xawliya isku soo soo taraysa qaylo-dhaan xooggan oo laga saarayo jabkii ciidanka dowladda federaalku kala kulmeen weerarkii Isniintii kooxda Al-Shabaab ka fulisay, gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan nawaaxiga deggaanka Jameeco ee duleedka Leego.
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka, Shariif Sheekh, oo bayaan kasoo saaray dhacdadan, ayaa si weyn uga tiiraanyooday jabka xooggan ee gaaray ciidanka dowladda, kuwaas oo uu tilmaamay in noloshoodii uu ku khamaaray Gurguurte.
"Waxaa nasiib-darro ah in khasaaraha baaxaddaas leh ee soo noq-noqday ee ciidanka soo gaaray uu marar badan dhaliyo sulaalo kala duwan...” Ayuu yiri Shariif Sheekh, isagoo guul-darrada ba’an ee ciidanka DF gaaray ku eedeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.
"Waxaa mas’uuliyad-darro wayn ah, in ciidamo loo diro deegaanno ay muddo ka talinaysay kooxda Al-Shabaab…” ayuu mar kale yiri, isagoo intaas raaciyey, in uu jiro u dayac hoggaamineed oo aad u culus oo ay wajahayaan ciidamada kala duwan ee DF Soomaaliya.
Ugu dambayn, isagoo isku muujinaya inuu aad uga xumaaday ciidanka badan ee ku le’day weerarkan, waxa uu Shariif Sheekh ku gooddiyey in marnaba aan la aqbali karin in askarta dowladda lagu baabi’iyo hirgelinta damaca siyaasadeed ee Xasan Gurguurte.
Mid ka mid ah falanqeeyaasha amniga ee aadka ugu dhuun-daloola dowladda federaalka, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku sheegay, in weerarka ka dhacay Leego uu soo bandhigay fashil amni oo halis ah oo dul-hoganaya kooxda Villa Soomaaliya.
"Oggolaanshaha kolonyo militari ah inay dhaqaaqaan iyada oo aan la xaqiijin in waddadoodu ammaan tahay waxay soo jeedinaysaa burbur weyn oo ku yimid qiimaynta khatarta, isku-dubaridka sirdoonka, iyo qorsheynta hawlgalka…” ayuu yiri Falanqeeyahani.
Maalin ka hor ayay ahayd, markii kooxda Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen in ka badan 321 askari, inkastoo dadka baraha bulshada ka taageera dowladda federaalka, ay sheegayeen saacadihii lasoo dhaafay, in tirada dhimashadu ay kor u dhaafayso 500 oo askari.
