Xiriirka kooxda Villa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya xiisad cusub, iyadoo warbixinnadu sheegayaan in khilaafku sii xoogaystay kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay dib-u-dhacyo milatari kala kulmeen Koonfurta Soomaaliya.
Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa la wareegay degmooyin iyo deggaanno ka tirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad daacad u ahaa Xasan Gurguurte iyo Aadan Madoobe.
Degmooyinka Qansax Dheere, Berdaale, Diinsoor, Buurhakaba iyo sidoo kale deggaanka Awdiinle ayaa ka mida magaalooyinka laga saaray kooxda Villa Soomaaliya. Iyadoo dhanka kalena la filayo in dhawaan gacantooda ay ka baxdo degmada keliya ee ay kaga sugan yihiin gobolka Baay oo ah Baydhabo.
Magaalada Baydhabo oo haatan lagu hareeraysan yahay ayaa xarun u ah maamulka maqaar-saarka ah ee Aadan-Madoobe, waxaanay dhowr jeer marti-gelisay weerarro culus oo dhiig-bixin ah, kuwaas oo sababay in mas’uuliyiinta ugu muhiimsan maamulkaasi ay isaga qaxaan magaalada una firxadaan dhinaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sidoo kale ciidamada daacadda u ah C/Casiis Laftagareen oo sii xoojiyey gulufkooda ayaa kusii siqaya magaalooyinka kooban ee kooxda Villa Soomaaliya ay kaga sugan tahay gobolka Bakool, kuwaas oo iyaguna qarka u saaran inay ka baxaan gacanta Gurguurte iyo kooxdiisa.
Isbeddelkan xawliga ku socda ayaa anfariir iyo af-kala-qalaad ku riday Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa, waxaanay C/Casiis Laftagareen oo sheegta hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed iyo sidoo kale ciidamadiisa ku eedeeyeen in ay yihiin argagixiso.
Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ee kooxda Villa Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo garan ogyahay Jaamac Tiktok, ayaa soo jeediyey in ciidamada Itoobiya lagula xisaabtamo sababta ay u fiirsanayaan khawaarijta oo uu ka wado ciidamda Laftagareen.
Waxa kale oo Jaamac Tiktok isagoo sii wata eedaymihiisan raqiiska ah uu carrabka ku adkeeyey in dowladda Kenya ay ka jawaabto sababta nin argagixiso ah uu u joogo dalkeeda, isla markaana halkaasi loogu waardiyeeyo, kaas oo uu ka wado C/Casiis Laftagareen.
Sida ka muuqata eedaymaha uu murtadkani soo jeediyey, durtaba bilowday khilaaf iyo kala-shaki sooo kala dhex-galay kooxda riddada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha ay maqaar-saarka u yihiin ee saliibiyiinta Itoobiya iyo Kenya.
Machadka Itoobiyaanka ee Horn Review oo inta badan diiradda saara arrimaha amniga iyo siyaasadda Itoobiya, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay masuul ka tahay qalalaasaha Koonfur Galbeed, isagoo dhaliilay sida Gurguurte iyo kooxdiisu u wajaheen Laftagareen, Kenya iyo Itoobiya.
Wuxuu si cad u sheegay, in eedeymaha loo jeedinayo Kenya iyo Itoobiya ay u muuqdaan kuwo ka tarjumaya isku day siyaasadeed oo lagu yaraynayo khasaaraha culus ee kooxda Villa Soomaaliya kasoo gaaray deggaannada Koonfur Galbeed.
Isagoo machadku qeexaya sababta uu ku bilowday qalalaasaha ka aloosan Koonfur Galbeed, ayuu xusay, in dabayaaqadii Maarso 2026, maleeshiyaadka Gurguurte ay xoog ku galeen Baydhabo, xilkana ay si khasab ah uga qaadeen madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay waqtiga doorashada iyo wax-ka-beddellada dastuurka.
Laftagareen ayaa ka horyimid qorshayaasha doorasho ee Muqdisho, wuxuuna abaabulay doorasho degdeg ah oo dib loogu dooranayo. Arrintaas ayaa ku kalliftay Xasan Sheekh in ciidamo dheeraad ah oo uu kasoo diray Buurhakaba, uu u daad-gureeyo xarunta Baydhabo.
Faragelintaasi dhinaca milatariga ayuu machadku tilmaamay in markii hore ay u muuqatay inay guulaysatay, Laftagareenna uu is-casilay, una u ambabaxay Nairobi. Bishii Juun, Aadan Madoobe, oo la safan Gurguurte, ayaa loo cumaamaday maamulka Koonfur Galbeed.
Cawaaqibka ka dhashay arrintaasi ayuu Horn Review ka dhawaajiyey inay si cad usoo muuqdeen bartamaha bishan Oktoobar, kadib markii ciidamada daacadda u ah hoggaamiyihii xilka laga qaaday ee C/Casiis Laftagareen ay si degdeg ah ula wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bay, oo ay ka mid yihiin Buurhakaba, Qansaxdheere, Berdaale, Diinsoor iyo Awdiinle.
Sida lagu xusay warbixinta Horn Review, inta badan magaalooyinkaas, ciidamada qabsaday waxay la kulmeen iska-caabin yar. Mas'uuliyiin maxalli ah ayaa u cararay saldhigyada Midowga Afrika, halka ciidamada Itoobiya ee deegaannadan u dhowaa aanay faragelin iska hor’imaadyadaasi.
Baydhabo laftarkeeda ayuu machadku qiray in haatan ay ku jirto xaalad go’doon ciidan ah, kadib markii ay isku gedaameen ciidamada daacadda u ah C/Casiis Laftagareen.
Hay’adda ACLED oo diiwaangelisa dhacdooyinka colaadaha hubaysan iyo rabshadaha siyaasadeed ee ka dhaca caalamka, ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 15-kii iyo 17-kii Oktoobar, maamulka ay Villa Soomaaliya taageerto ee Aadan Madoobe uu lumiyay dhammaan waddooyinkii waaweynaa ee sahayda iyo isku socodka ee gala magaalada Baydhabo.
Hey’addu waxay xustay in maamulka maqaar-saarka ah ee Aadan Madoobe uusan gebi ahaanba wax taageero dhab ah ka haysan gobollada Bakool, Bay iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ka kooban yahay maamulka Koonfur-galbeed.
Ciidamada daacadda u ah Laftagareen ayay hey’addu sheegtay inay beddeleen xeeladdooda dagaal, kadib markii dhowr jeer u suurtoobi wayday inay si buuxda u qabsadaan magaalada Baydhabo, oo ay markii hore xoogga saareen sidii ay ula wareegi lahaayeen.
"Waxay wax ka beddeleen istaraatiijiyaddooda, iyagoo doortay inay magaalada Baydhabo hareereeyaan oo go’doomiyaan, taasoo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan degmooyinka muhiimka ah ee ku xeeran ee gobolka Bay…” Ayaa lagu yiri warbixinta hey’adda ACLED.
Rashiid Cabdi oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Sahan Reseach, ah-na falanqeeye dhinaca amniga ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X/Twitter, ku sheegay, in kumannaanka qof ee ku nool Koonfur-galbeed ee soo dhoweynaya ciidamada Laftagareen ay caddayn u tahay sida uu u burburayo mashruuca siyaasadeed ee Xasan Sheekh Maxamuud.
"Dhanka kale, warar kale ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan maamulka Aadan Madoobe iyo xulafadiisu ay isaga baxayaan magaalada Baydhabo iyagoo filaya in ciidamada Laftagareen ay dhowaan la wareegi doonaan. Iyadoo Aadan Madoobe laftiisu hadda uu ku sugan yahay Muqdisho.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo sidoo kalena, horey uga tirsanaan jiray hey’adda Xasaradaha Adduunka ee ICG.
Machadka Horn Review, wuxuu tilmaamay in doorka Kenya iyo Itoobiya ee xaaladda Soomaaliya aanu la jaanqaadayn sawirka ay dowladda federaalku ka bixinayso, isla markaana aanay jirin caddeymo ku filan oo taageeraya eedeymaha loo jeedinayo labada dal.
Sida uu machadku sheegay, taliyeyaasha ciidamada Itoobiya ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa diiday inay ku lug yeeshaan dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Laftagareen. Warbixintu waxay go’aankaas ku tilmaantay mid waafaqsan waajibaadka ciidamada Itoobiya, maadaama ajandahoodu ahayn inay farageliyaan loollanka awoodda ee siyaasiyiinta Soomaaliya.
Hadallada ka dhanka ah Kenya iyo Itoobiya ayuu machadku tilmaamay inay u muuqdaan isku day lagu yaraynayo khasaaraha millateri iyo siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, iyadoo dhibaatooyinka ka dhashay go’aannadeeda gudaha u nisbaynaysa faragelin dibadeed.
R/Wasaare Abiy Axmed oo maalmo ka hor safar ku tagay caasimadda Nairobi, ayuu machadku sheegay in booqashadaasi ay kusoo aadday xilli ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira Soomaaliya, isla markaana qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan gudaheedu ay sii cakireen xiriirka ay kooxda Villa Soomaaliya la leedahay Itoobiya iyo Kenya.
Warbixintu waxay ku dooddaysaa in Kenya iyo Itoobiya aysan wax lug ah ku lahayn kacdoonka hubaysan ee Koonfur Galbeed, balse ay iska diideen oo kaliya inay si buuxda ugu adeegaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee maamulka Muqdisho.
Horn Review waxa uu qormadiisan kusoo xayndaabay, magaalooyinka ku hareeraysan Baydhabo ma noqon doonaan, meelaha ugu dambeeya ee Muqdisho ku weydo gacan-ku-haynteeda dhuleed, halka dalalka deriskuna ay sii ahaan doonaan marmarsiiyo lagu qariyo fashilka Villa Soomaaliya.
