FAAH-FAAHIN: Weerarro geystay khasaare culus oo ka dhacay koonfurta Somalia & NFD.

Saturday October 24, 2026 - 10:22:09
MeMO Staff
Hawl-gallo kala duwan ayaa sida lasoo weriyey, saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay gobollada Banaadir, Shabeelllaha hoose, Shabeellaha dhexe, Jubbada hoose iyo sidoo kale gobollada kala ah Mandheera iyo Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Banaadir, jihaadiyiinta waxay ka fuliyeen habeennimadii xalay, hawl-gal qarax ah oo lagu beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa gudaha caasimadda Muqdisho.

Maleeshiyaadkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday bar-kantarool oo u taallay xaafada Nasteex ee degmada Wadajir, waxaana ka dhaawacmay ugu yaraan 3 askari.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay, weerar dhabba-gal ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay u dhigeen kolonyo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.

Maleeshiyaadkan ayaa la bartilmaameedsaday xilli ay ku socdaalayeen inta u dhexeysa deggaanka Carbiska iyo degmada Afgooye.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, hawl-galkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkan, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 3 askari oo kale.

Geesta kale, waxaa jira oo xogtu ay xaqiijisay waxyeello xooggan oo soo gaartay gaari Cabdi Bile ah, oo ka mid ahaa kolonyadii maleeshiyaadka Xasan Sheekh.

Isla gobolka Shabeellaha hoose, dagaalyahannadu waxay habeen hore ka fuliyeen weerarro culus oo ay ku mireen xeryaha maleeshiyaadka Gurguurte ee Buundada Jannaale iyo deggaanka Jilib Marka.

Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa ka dhacay jimcihii shalay, dagaallo culus oo u dhaxeeyey xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalladan oo si ba’an loogu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deggaanka Xaaji Cali.

Inta la xaqiijiyey, dagaalladan ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askar iyo saraakiil isugu jirta oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, halka ugu yaraan 11 askari oo kalena la dhaawacay.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa isna maalinnimadii shalay ka dhacay hawl-gal qorshaysan oo jihaadiyiintu ay ka fuliyeen agagaarka deggaanka Taabto.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, ugu yaraan 1 askari oo lagu magacaabi jiray Gacan ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay ugu yaraan 4 askari oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal.

Xogta ayaa intaas ku dartay, in dagaalyahannada Al-Shabaab ay hawl-galkaasi ku furteen qori AK47 ah, isla markaana ay gubeen gaari Succeed ah.

Sidoo kale isla gobolka Jubbada hoose, jihaadiyiintu waxay habeen hore ka fuliyeen weerar culus oo ay ku ekeeyeen xerada maleeshiyada Axmed Madoobe ee deggaanka Labo Garas oo hoostaga Kismaayo.

Gobolka Gaarisa, jihaadiyiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay hawl-gal qorshaysan ka fuliyeen agagaarka deggaanka Maanso ee hoostagta degmada Masalaani.

Hawl-galkan oo si gaar ah loogu beegsaday xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka, ayaa la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah.

Sidoo kale xogtu waxay xaqiijisay in uu jiro gaari Booyad ah oo jihaadiyiintu ay gubeen, taas oo biyo u sidday xerada la weeraray ee askarta Kenya.

Gobolka Mandheera, waxaa isna habeennimadii Khamiista ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Cumar Jilicow ee degmada Carabiya.

Weerarradan ayaa dhammaantood qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences