Al-Shabaab oo weerarro culus ka fulisay Jannaale, Qoryooley & deggaanka Bariire.

Tuesday October 20, 2026 - 18:20:16
MeMO Staff
Xoogagga Al-Shabaab waxey saaka dagaal culus kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Sidoo kale jihaadiyiintu waxey habeennimadii xalay weerar culus ku mireen saldhigga maleeshiyada Villa Soomaaliya ee degmada Qoryooley oo iyaduna ka tirsan isla gobolka Shabeellaha hoose.

Isla gobolkan laftarkiisa, jihaadiyiintu waxay saaka dagaal culus ku ekeeyeen saldhigga maleeshiyaadka Xasan Sheekh ee deggaanka Bariire.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogta ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullaay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco:

Related Items

Update cookies preferences