Khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkan dambe ka taagnaa gobolka Hiiraan ayaa sii xoogaystay, kadib markii Maxamed Carab oo ah Guddoomiyaha gobolkaasi, uu xiriirka u jaray Hirshabeelle, si cadna u diiday madaxweynaha maamulkaasi, Cali Guudlaawe.
Carab waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in Hirshabeelle uusan gobolka Hiiraan ku lahayn awood maamul oo sharciyad leh. Waxaana durba bilowday in la joojiyo cashuurihii uu maamulkani ka urursan jiray qaar ka mida degmooyinka gobolka.
Wararka maxalliga ah ayaa sheegaya in maamulka Hirshabeelle laga wareejiyay gacan-ku-haynta canshuuraha laga ururiyo degmada Matabaan. Sidoo kale, guddoomiye Maxamed Carab ayaa saldhig uu ku hawl-galo oo cusub ka samaystay deegaanka Ceel Gaal, oo qiyaastii 13 km u jira Beledweyne.
Dhanka kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in xil-ka-xayuubin uu ku sameeyey Maxamed Carab, isla markaana uu magacaabay guddoomiye kale, taas oo sii hurinaysa khilaafka ku saabsan maamulka iyo awoodda siyaasadeed ee gobolka.
Sidoo kale wareegto kale oo uu soo saaray Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed ayaa xil-ka-qaadista lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Maxamed Carab, ku tilmaamay mid waxba-kama-jiraan ah, maadaama xilka madaxweynenimo ee Guudlaawe uu dhammaaday.
Wareegtada Dabageed ayaa faraysaa Maxamed Xuseen Carab inuu sii wato shaqadiisa, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan, degmooyinka iyo laamaha kala duwan ee amniga lagu amray inay la shaqeeyaan Carab, ilaa heshiis laga gaarayo khilaafka siyaasadeed.
Geesta kale, ilo dhinaca amniga ah oo warbaahinnada maxalligu ay soo xigatay, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay wadaan abaabul xooggan oo looga soo horjeedo awoodda maamulka Hirshabeelle.
