R/Wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ganacsadaha Nayjeeriyaanka ah ee lagu magacaabo Aliko Dangote (Aliiko Dangoote) ayaa dhawaan si wada-jir ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo salka ku haya khayraadka Soomaali Galbeed balse ujeedkiisa laga qariyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Mashruucan ayaa 24-ka bishii lasoo dhaafay ee 9-aad ee 2026, si rasmi ah looga dhax-dhigay aagga warshadaha ee deggaanka Dameera-joog ee koonfurta magaalada Jabuuti, kaas oo u dhow xeebta Gacanka Cadmeed ee dhinaca xad-beenaadka Soomaaliya. Iyadoo la sheegay in qorshuhu yahay in labada dhinacba laga dhiso xarumo kaydka shidaalka ah.
Sida labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti ay xaqiijiyeen, mashruucan ayaa ah dhuun loogu talo-galay tamarta oo isku xiri doonta magaalada Dameera-joog ee gobolka Carta iyo magaalada Dawanle oo ku taalla xuduud-beenaadka kana tirsan gobolka Sitti oo ka mida dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya. Waxaanay labadan magaalo ay isku jiraan 120 km.
Mashruucan oo ay iska kaashan doonaan sharikadaha Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group, ayay Itoobiya ku tilmaantay inuu qayb ka noqonayo qorshaha xoojinta sugnaanta shidaalka iyo tamarta ee Itoobiya, iyo hufnaanta marinka ganacsi ee labada dal.
Sidoo kale, ujeeddada ugu weyn ee dhuuntan ayaa lagu sheegay inay tahay in shidaalka la sifeeyay si toos ah loogu qaado Itoobiya, taas oo sida laga dhawaajiyey la filayo, inay yareyn doonto kharashaadka iyo dib-u-dhacyada ka dhasha gaadiidka shidaalka ee hadda la adeegsado.
Si kastaba, mugdi badan ayaa dul-hoganaya fasiraadda Addis Ababa ka bixisay dhuuntan isku xiraysa Jabuuti iyo dhulka ay Itoobiya xoogga ku haysato ee Soomaali Galbeed, waxaanay falanqeeyayaashu fasiraadda noocan ah ku tilmaameen marin-habaabin loogu talo-galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jabuuti iyo Soomaali Galbeed.
Warbaahinta islaamiga ah ee SOMALIMEMO ayaa sheegtay in laga yaabo in mashruucani uu xiriir toos ah la leeyahay qorshe ay dowladda Xabashida Itoobiya doonayso inay ku daabusho gaaska iyo shidaalka laga helay dhulka Soomaali Galbeed, kaas oo ay doonayso inay sii marsiiso dalka Jabuuti.
Sidoo kale, idaacadda Andalus ayaa baaritaan iyo daba-gal dheeraad ah oo ay samaysay ka dib ogaatay, in uu jirey qorshe dhowr sano ka hor ay dejisay Itoobiya, oo ahaa hir-gelinta dhuun lagu qaado Gaaska iyo Shidaalka laga helay Soomaali Galbeed laguna geeyo dalka Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo.
Haddaba bal aynu dib u milicsanno halka ay marayaan ceelasha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay dhulka Soomaali Galbeed, gaar ahaan gobollada Qorraxay iyo Shabeelle, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey dowladda Xabashida Itoobiya awoodda saartay sidii ay uga faa’idaysan lahayd.
Ceelashan oo lagu kala magacaabo Calub (Kaalub) iyo Hilala (Hilaala), ayaa ah mashruuc weyn oo gaaska dabiiciga ah, kaas oo la filayo inuu noqdo xudunta hamiga cusub ee isha dhaqaale ee doladda Xabashida Itoobiya, sida uu sheegay wargeyska The Reporter.
Tan iyo sannadihii 1920-meeyadii, shirkado caalami ah oo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Midowgii Soofiyeeti, Australia iyo Shiinaha ayaa la sheegay in khubaro kala duwan ay u dirayeen dhulka Soomaali Galbeed si ay uga baaraan shidaal. Waxaana helitaankii ugu horreeyay ee kayd shidaal uu dhacay sannadihii 1970-meeyadii.
Sannadkii 2013-kii, laba shirkadood oo shiinays ah kuna bahoobay magaca Poly-GCL Petroleum Group Holding Limited ayay Itoobiya siisay ruqsadda soo saarista gaaska dabiiciga ah iyo saliidda cayriin ee ceelasha Calub ee degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxay iyo degmada Hilala ee gobolka Shabeelle.
Nin ka mid ah shaqaalaha shirkaddan oo codsaday in aan la magacaabin ayaa idaacadda BBC-da u sheegay goobaha shidaalka laga helay ay ku yaallaan shan degmo oo kala ah Shillaabo, Dhoobaweyn, Higlooley iyo Ceel-Ogaadeen oo gobolka Qorraxey ah iyo degmada Hilaala oo dhacda gobolka Shabeelle.
Xog ay idaacadda BBC-da oo laga leeyahay dalka Ingiriisku ka heshay khubarada iyo shirkadda Poly-GCL ee gacanta ku haysa ceelashaasi ay muujisay qaabka ay ceelashu ugu kala yaallaan degmooyinka qaarkood, waxaana ka mid ah:
Degmada Hilaala ee Gobolka Shabeelle ayay sheegtay in ay ku yaallaan ilaa 19 ceel shidaal. Aagga Jeexdin oo ka tirsan degmada Shillaabo/Dhoobaweyn ee gobolka Qoraxay, waxaa ku yaalla 15 ceel shidaal, halka degmada Elelle/Dhoohaar ee gobolka Shabeelle ay ku yaallaan 13 ceel shidaal.
Ceelasha kale ee soo hadhay waxay ku kala firirsan yihiin sida ay xogtu sheegtay, deegaannada Higlooley, Ceel-Ogaadeen, iyo agagaarkooda. Waxaana la xaqiijiyey in deggaannadan ay si guud ku yaallaan in ka badan 60 ceel shidaal oo isugu jira Gaas iyo Saliid dabiici ah.
Tijaabooyin lagu guulaystay oo ku saabsan soo saarista saliidda iyo gaaska, ayay shirkaddu samaysay sanadkii 2018. Balse bishii Sebtembar 2022, ayuu khilaaf soo kala dhex-galay mid ka mida labada shirkadood ee mashruucan loo xil-saaray iyo dowladda Itoobiya, kaas oo goor dambe la xalliyey.
Bil ka hor intii uusan bannaanka u soo bixin khilaafka shirkadda iyo maamulka Abiy, shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Netherland, Swell & Associates ayaa xaqiijisay in ceelasha gaaska ee Calub iyo Hilala ay ku jiraan toddoba tirilyan oo cubic feet, oo ah gaas dabiiciya.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2025, ayaa mar keliya lagu war helay RW Itoobiya, Abiy Axmed oo daahfuray wejiga koowaad ee Mashruuca Gaaska Dabiiciga ah ee Soomaali Galbeed, kaas oo loogu talagalay in gaaskan dabiiciga ah loogu beddelo gaaska dareeraha ah ee loo yaqaan LNG, si kaydintiisa iyo dhoofintiisuba ay u fududaato.
Mashruucan ballaaran oo bulshada Soomaali Galbeed laga qariyey, ayaa munaasabaddii daahfurkiisa, mas’uuliyiinta dowladda Xabashida Itoobiya ay shaaciyeeen in wax-soo-saarka wejigiisa koowaad uu sannadkii noqon doono 111 milyan oo litir, halka wejiga labaad uu kordhi doono awood wax-soo-saar oo sannadkii dhan 1.33 bilyan oo litir.
Dhinaca kale, magaalada Godey waxaa laga bilaabay dhismaha warshad soo saari doonta bacriminta kiimikada beeraha ee lagu nafaqeeyo carrada, taas oo ay iska kaashanayaan shirkadda Dangote Group ee Nigeria iyo hay’adda maalgashiga dowladda Itoobiya.
Warshadda ayaa la qorsheeyay inay isticmaasho gaaska dabiiciga ah ee laga soo saarayo ceelasha Calub iyo Hilala, kaas oo dhuun dhererkeedu yahay 108 km lagu soo gaarsiin doono magaalada Godey. Waxaana la filayaa in mashruucani uu Itoobiya u badbaadiyo lacago fara badan oo kaga bixi jiray bacriminta kiimikada ee ay ka keensato dibadaha.
Warshaddan baaxadda weyn ayaa la qorsheeyay inay sannadkii ay soo saarto saddex milyan oo tan oo bacriminta beeraha ah, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah warshadaha bacriminta beeraha ee ugu waaweyn adduunka marka la eego wax-soo-saarka hal goob, sida uu sheegay wargeyska Itoobiyaanka ah ee The Reporter.
Warshaddan oo la filayo in shaqada ay bilowdo sannadka 2029, ayaa qiyaastii 100 km u jirta goobta warshadda gaaska dabiiciga ah, taas oo dhismaheedu inta badan dhammaaday, sida uu sheegay wargeyska The Reporter, oo qaar ka mida wariyeyaashiisu ay booqdeen dhowr bilood ka hor.
Dr Saadiq Muxumed Daahir Xaaji Nuurre oo ka mida aqoonyahannada u dhashay Soomaali Galbeed ayaa tilmaamay in gebi ahaanba ummadda Soomaali Galbeed laga qariyey mashaariicdan lagu boobayo khayraadka dihin ee dhulkooda laga helay.
Bishii Maarso, shirkadaha Dangote Group iyo GCL Group waxay kala saxiixdeen heshiis 25 sano ah oo ku saabsan sahayda gaaska dabiiciga ah, kaas oo qiimihiisu yahay 4.2 bilyan oo doollar.
Sida uu sheegay The Reporter, warshadda Gaaska Dabiiciga ah ayaa sidoo kale la dhammaystiray, waxaanay dhawaan GCL Group samaysay tijaabooyin wax-soo-saar. Iyadoo shirkadda la siiyey ruqsadda soo saarista iyo sifeynta gaaska, iyo weliba gaarsiinta suuqyada caalamka.
Marka laga hadlayo gudaha Itoobiya, warshadda bacriminta ee ganacsadaha reer Nayjeeriya ee Aliko Dangote ayaa la qorsheeyay inay noqoto macaamiilka ugu weyn ee gaaska ay shirkaddu soo saarto, halka macaamiisha kale ay ka mid noqon doonaan warshadaha kale ee Itoobiya.
Shirkadaha gaadiidka ee dowladda leedahay, sida shirkadda basaska caasimadda Addis Ababa ee Anbessa City Bus Service Enterprise, ayaa durba bilaabay inay baabuurtooda u beddelaan kuwo ku shaqeeya gaaska LNG, iyagoo adeegsanaya matoorro cusub oo dibadda laga keenay.
"Dhowr bilood ka hor, waxaa xarumo lagu shubo gaaska LNG-ga laga dhisay Addis Ababa, Adama, Diridhaba iyo Jigjiga. Xarumaha ku yaalla Addis Ababa horay ayaa loo dhammaystiray,…”Ayuu yiri Lelissa Daba, oo ah injineer iyo la-taliye la shaqeeya Wasiirka Macdanta ee Itoobiya.
Wargeyska China Daily ayaa dhowr bilood ka hor sheegay in mashruuca matoor-bedelista ujeeddadiisu tahay in muddo 8 bilood ah wax-ka-beddel lagu sameeyo in ka badan 2,000 oo Bas oo ka hawl-gala Addis Ababa, si ay ugu shaqeeyaan gaaskan laga helay dhulka Soomaali Galbeed.
Wargeyska The Reporter ayaa isna sheegay in gudaha Itoobiya uu ka socdo diyaar-garow xooggan oo matoorrada looga beddelaayo basas badan oo Mercedes-Benz ah oo ay dowladdu leedahay, kuwaas oo la doonayo inay ku shaqeeyaan gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray gobolka Qoraxay.
Mashruucan gaadiidka shidaalka loogu bedelayo gaaska dabiiciga ah ayaa daba socda heshiis ay bishii Oktoobar ee sanadkii hore ee 2025, ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Zhu Gongshan, oo ah guddoomiyaha shirkadda GCL Group.
Sida uu sheegay The Reporter, wejigii hore ee tijaabada mashruucan ayaa heer muhiim ah gaaray 12-kii bisha May ee sannadkan 2026, kadib markii baskii ugu horreeyay oo loo beddelay gaaska LNG, uu si buuxda u dhammaystirmay, isla markaana tijaabadii laga qaaday ay noqotay mid guulaysatay.
Sida muuqata gaawaha ayay dowladda Xabashida Itoobiya usoo culatay boobka khayraadka ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska laga helay dhulka Soomaali Galbeed, kaas oo gebi ahaanba bulshada ku dhaqan deggaannadaasi laga qariyey waxna aan looga ogoleyn.
Shirkad cusub oo lagu magacaabo Ethio Gas Marketing Industry PLC, ayay Itoobiya aasaastay, taas oo loo xilsaaray dhismaha xarumahan. Dhanka kale, shirkadda dowladda Itoobiya leedahay ee Ethiopian Petroleum Supply Enterprise (EPSE) ayaa la qorsheeyay inay noqoto shirkadda u dhexayn doonta GCL iyo macaamiisha, isla markaana iibsan doonta gaaska dabiiciga ah ee GCL soo saarto.
Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa la sheegay in ay doonayaan in wax-soo-saarku ku bilowdo 200,000 oo mitir kuyuubik oo gaas ah maalintii, iyadoo qorshuhu yahay in mustaqbalka dhow wax-soo-saarkaas la gaarsiiyo ilaa 500,000 oo mitir kuyuubik maalintii.
Dhanka kale, qorshe ah in gaaska dabiiciga ah loo isticmaalo guryaha isaga oo loo beddelayo gaaska dareeraha ah ee loo yaqaan LPG, ayaa la sheegay in wax-soo-saarkiisa isna lagu daray mashruuca marxaladaha dambe.
Shirkadda GCL Group waxay sidoo kale ku hawlantahay dhismaha warshad sifaysa shidaalka cayriin, taas oo loogu talagalay inay sannadkii sifayso 3.5 milyan oo tan oo shidaal cayriin ah oo laga soo saaro ceelasha Hilala ee deggaanka Shilaabo.
Haddaba qorshaha ay Itoobiya horey u dejisay oo ah in gaaska dabiiciga ah dhuun lagu geeyo dalka Jabuuti si halkaas looga dhoofiyo, ayaa waxaa wargeyska The Reporter u xaqiijiyey Injineer Lelissa Daba, oo la-taliye u ah Wasiirka Macdanta ee Itoobiya.
17-kii May ee sannadkan 2026, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo ganacsade Aliko Dangote ayaa booqday goobta mashruuca warshadda bacriminta ee Godey iyo sidoo kale ceelasha gaaska iyo shidaalka ee deggaanka Shilaabo ee gobolka Qoraxay.
Waxay ku dhawaaqeen qorshe lagu kordhinayo maalgelinta mashruuca lagana dhigayo 4 bilyan oo doollar, halkii uu horey uga ahaa 2.5 bilyan oo doollar, kaas oo la ballanqaaday sannadkii hore.
Lacagta dheeraadka ah waxaa loogu talagalay sida la sheegay, in lagu maalgeliyo dhismaha dhuun isku xidha warshadda bacriminta iyo warshadda sifaynta ee GCL, warshad koronto oo awooddeedu tahay 120 megawatt, warshad soo saarta caagga loo adeegsado samaynta bacaha bacriminta iyo agabka kale, iyo warshad isku qasta noocyo ka mida bacriminta oo sannadkii soo saari karta laba milyan oo tan.
Haddaba sida khayraadka Soomaali Galbeed loo qaybsaday waxa tusaale inoogu filan, shirkadda Dangote Group oo leh 60% saamiyada warshadda bacriminta, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay inta soo hartay oo ah 40%, iyada oo loo marayo shirkadda Ethiopian Investment Holdings (EIH).
Faarax Macalin oo xubin ka ah golaha baarlamaanka Kenya, ayaa si adag uga hor-yimid mashaariicda Abiy Axmed ku boobayo khayraadka Soomaali Galbeed, waxaanu tilmaamay in haatan uu qorshaynayo in Soomaalida uu gumaysto u kala jajabiyo qaybo, si uu hantidoodana u qaato iyagana iskugu jeediyo.
Sidoo kale Dr Saadiq ayaa iftiimiyey xaaladda gumeysi ee aadka u liidata ee bulshada Soomaali Galbeed ay qabatintay, kadib markii dhammaantood laga dhigay sacabooley, lagana tirtiray ururradii xaq-u-dirirka ahaa ee muddada badan ka dagaallami jiray deggaannadaasi.
