Hey'adaha Tansiirka ayaa si weyn ugu hawlan dedaalka ay ku bixinayaan sidii ay u gaalaysiin lahaayeen dadka muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Mission Network News oo ah warbaahin laga leeyahay Maraykanka oo qaabilsan hawlaha tansiirka ayaa soo bandhigtay warbixin muujinaysa dhagaraha ay hey’adaha tansiirku la maagan yihiin Muslimiinta iyo xusul-duubka ay ugu jiraan sidii ay u kiristaamayn lahaayeen.
Greg Kelley oo ka tirsan hay’adda Kiristaamaynta ee la yiraa Unknown Nations ayaa yiri "Marka aan maqalno wararka ku saabsan Soomaaliya iyo Yemen iyo falalka argagixisada ee ka dhaca, waxaan dareemnaa cabsi, mana jeclin inaan meelahaas tagno,”
Wuxuu ku baaqayaa in dadka ku hawlan tansiirku aanay ka fogaan Soomaaliya iyo Yemen sababo la xiriira cabsida ay ka qabaan jihaadiyiinta, balse ay isku dayaan inay halkaas ka fuliyaan hawlaha tansiirka isla markaana fariintooda gaarsiiyaan dadka ku dhaqan labadan dal. Waxaanu tallaabadan ku tilmaamay midda keliya ee isbedel kiristaamayn ah uu ku iman karo.
Mission Network News ayaa xustay in Soomaaliya ay la jaar tahay Kenya, oo uu Kelley ku tilmaamay "mid ka mid ah dalalka Afrika ugu dimuqraadiyadda xasilloon”, dadkeeduna, ay u badan yihiin Kiristan.
"Waxaa jira dad Kenyan ah oo xiriir la leh Soomaalida, fahamsanna afka iyo dhaqanka Soomaalida, kuwaas oo la abaabulayo loona dirayo gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Kelley, sida ay ku warrantay Mission Network News.
Sida warbaahintani sheegtay, hay’adda Unknown Nations waxay dejisay qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu gaalaysanayo muslimiinta Soomaaliya iyo Yemen, iyada oo dad Kiristan ah oo ay sheegtay inay kasoo jeedaan labadan dal la diyaarinayo loona tababarayo inay hawshaas fuliyaan.
Hey’adaha gaalaysiintu qaabab kala duwan ayay ku faafiyaan hawlaha tansiirka, waxaa ka mida waxyaabaha ay sida fudud ugu soo dhex dhuuntaan ciyaaraha, fanka, hiddaha iyo dhaqanka, goobaha akhriska buugaagta, caafimaadka, waxbarashada iyo qaar kaloo badan.
Warbaahinta The Christian Science Monitor oo ay leedahay kaniisad ku taal Maraykanka ayaa dhawaan baahisay warbixin ku saabsan sida dhaqanka looga siibayo dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Warbaahintani waxay soo bandhigtay hablo qaaqaawan una labisan sida ragga oo goor habeen ah kubbadda kolayga ku ciyaaraya garoon ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.
Sida warbixintu ay ka sanqarisay khamiis walba hablahani goobtan ayay ku ciyaaraan, iyadoo sababta ku sheegtay in ay kaga hor imanayaan caqabadaha la saaro, oo ay ka waddo asturnaanta iyo qiyamka toosan ee diinteenna suubban ee Islaamka.
Haweenay lagu magacaabo Khadra Maxamed Cabdi ayaa ka mid ah ashkhaasta laf-dhabarta u ah mashruucan ay hey’adaha tansiirku ka wadaan gudaha magaalada Hargeysa, isla markaana sida gaarka ah ugu wajahan dumarka, sida laga dheehan karo warbixinta The Christian Science Monitor.
Khadra waa tababaraha hablahan la dhaqan-beddelay ee iyagoo qaaqaawan kubadda ku ciyaara magaalada Hargeysa. Waxaanay warbixintu sheegtay inay ka mid ahaan jirtay koox haween ah oo kubbadda koleyga ciyaari jirey xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Warbixintu waxay si weyn u ammaantay doorkii uu Maxamed Siyaad Barre ka qaatay wax ay ku sheegtay sinnaanta jinsiga oo ah markii uu soo saaray xeerka Qoyska, culimadii ka hor-timidna uu laayay, iyadoo xustay in isla mashaariicdaasi gaaleysiinta ah ay wakhti-xaadirkan ka socdaan gudaha Somaliland.
Khadra Maxamed Cabdi waxay sheegtay in mar walba riyadeedu ahayd sidii hablaha ay u tababari lahayd, balse waxay ka dhawaajisay in caqabado xooggan ay kala kulantay dadka deggaanka.
Waxay sheegtay in deriskeedu ay si weyn uga hor-yimaaddeen hawlaha ay waddo, ilaa heer ay gaartay in laga saaro gurigii ay ku jirtay oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Sidoo kale gabadhan ayaa la kulantay waji-gabax, kadib markii ay tagtay qaar ka mida dugsiyada magaalada si ay hablo kale u soo qorto, balse waalidiinta iyo macallimiintu waxay ku eedeeyeen inay anshax-xumo ku kacayso, maadaama ay gabdhaha ku dhiirrigelinayso inay u dhaqmaan sida ragga.
Hey’adaha sida gaarka ah ugu xilsaaran hawlaha tansiirka ayaa iyaguna dhankooda niyad-jab xooggan ka muujiyey sida ay Soomaalida ugu ad-adag yihiin diintooda, isla markaasna aysan badankoodu u ahayn dad si yar lagu duufsan karo ama loo kiristaamayn karo.
Open Doors oo ah hay'ad u ololaysa hawlaha tansiirka iyo gaaleysiinta muslimiinta, ayaa Soomaaliya kaalinta labaad ka gelisay liiskeeda 2026 ee dalalka ay ugu adag tahay in kiristanka lagu faafiyo, isla markaana dadkoodu ay yihiin kuwo ku ad-adag diintooda.
