Maleeshiyaadka Gurguurte oo lagu weeraray gobollada Hiiraan & Banaadir.

Monday October 12, 2026 - 10:29:27
MeMO Staff
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay hawl-gal qarax ah oo ay ka fuliyeen gobolka Banaadir, waxay ku beegsadeen xarunta Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee caasimadda Muqdisho.
Sida ay xogtu tibaaxayso, xilliga jihaadiyiintu ay weerarkan fuliyeen ayaa la xaqiijiyey in goobta ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaad ka tirtsan kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh.

Isla habeennimadii xalay xoogagga Al-Shabaab waxay weerar qarax ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan, kaas oo ay ku qaadeen guri sida la sheegay ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Gurigan la weeraray ay ku yaalla deggaanka Halgan, waxaana sida la xaqiijiey jira khasaare kala duwan oo qaraxaasi kasoo gaaray maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences