R/Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ku celiyey baaqiisa ku aaddan damaciisa marin-badeed. Waxa uu sheegay in dalkiisa oo aan lahayn xeeb uu ka shaqayn doono sidii uu u heli lahaa marin-badeed, xilli dagaallada ka holcaya waqooyiga dalkaasi ay sii fidayaan isla markaana ay qarka u saaran yihiin in gobolka oo dhan ay ku faafaan.
Abiy ayaa hadalkan jeediyey Isniintii lasoo dhaafay, kadib markii loo dhaariyey in muddo shan sano oo kale ah uu xilka sii hayo. Waxaanu yiri isagoo arrintan ka hadlaya "Annagoo ku salaynayna mabda’a wax-is-weydaarsiga, waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii aan u xaqiijin lahayn in Itoobiya ay hesho marin ay ku gaadho badda,”
Waxaa xusid mudan in heshiiskii ay 2024-kii kala saxiixdeen Abiy iyo madaxii hore ee maamulka Hargeysa Muuse Biixi, uu ku dhisnaa isla mabda’an Abiy Axmed uu ka sanqariyey, iyadoo Itoobiya ay rabtay helista marin iyo saldhig badeed, halka Somaliland ay hir-gelinta dalabaadkaasi ay Itoobiya kaga bedelan doonto aqoosnsi rasmi ah oo ay siiso Somaliland.
Zahid Zaydaan, oo ah cilmi-baare ku takhasusay xiriirka Itoobiya iyo dalalka Carabta, ayuu telefishanka Al-Carabiya uu waydiiyey su’aal u dhignayd, R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ma heshiis ayuu la geli karaa Somaliland, maadaama aysan aqoonsi caalami ah ka haysan Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay?
"Haa, marka loo eego xaqiiqooyinka aan aragnay sannadihii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed dhammaan xulashooyinku way u furan yihiin, dhammaan hababka iyo waddooyinka uu arrintan ku gaari karana way u furan yihiin, haddii aanay ka hor imanayn sharciga caalamiga ah, isla markaana aanay ka hor imanayn xuquuqda derisnimo, gaar ahaan marka laga hadlayo arrinta Somaliland iyo waxa ka dhashay heshiiskii Ankara, kaas oo aan ilaa hadda si buuxda loo shaacin dhammaan nuqulladiisa ama qabyo-qoraalladiisa” Ayuu yiri Zeydaan.
Sidoo kale Zahid Zaydaan, waxa uu xusay in laba sano ka hor uu R/Wasaare Abiy Axmed baarlamaankiisa ka hor-sheegay in caalamku uusan diidanayn in Itoobiya ay marin ka hesho xeebaha Somaliland.
"Shalay Israa’iil ma aqoonsanayn Somaliland, maanta Israa’iil way aqoonsatay; berrina yaa kale oo aqoonsan doona Somaliland? Ma garanayno waxa berri dhici doona. Laakiin ilaa hadda, Su’aashii uu Abiy Axmed baarlamaanka horgeeyay laba sano ka hor,…” Ayiri Zeydaan.
Waxaanu intaas raaciyey "Abiy Axmed wuxuu si cad u sheegay oo uu yiri [Waxaan beesha caalamka ka codsannay in naloo oggolaado dhul yar, ama waxa loo yaqaan marin-badeed, kaas oo aan ka mid ahayn dhulka ku hoos jira maamulka Itoobiya, balse loo isticmaali karo arrimo ganacsi iyo kuwo milatari. Mana jirin cid ka tirsan beesha caalamka oo noo sheegtay ama noogu jawaabtay inaanan xaqaas lahayn arrintaasi] sidaas darteed Hadalka Abiy Axmed waa mid cad”
La-taliye hore oo ka tirsanaan jiray dowladda xabashida Itoobiya ayaa wargeyska Middle East Eye u sheegay in Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mida xulafada ugu muhiimsan ee Itoobiya, uu yahay cidda dhab ahaan Itoobiya ku riixaysa hir-gelinta damaceeda badeed.
Bishii Janaayo 2024-kii, Itoobiya waxay heshiis is-afgarad la saxiixatay maamulka gaalla-raaca Somaliland, kaas oo taageero ka hela Imaaraadka Carabta, Yahuudduna ay aqoonsatay. Sidaas darteed wuxuu wargeysku xusay in diiradda Itoobiya ay si dhab ah u hayso xeebaha Somaliland.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Al-Jaziira oo la baahiyey todobaadkii lasoo dhaafay uu si cad ugu sheegay in maamulkiisa Muqdisho uusan marnaba diiddanayn in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho dhulka Soomaaliya.
Warfidiyeenka Itoobiya oo ay ka mid tahay warbaahinta dowladda ee Fana Media Corporation ayaa isla markii si weyn u soo dhaweeyey hadalka kasoo yeeray murtad Gurguurte ee uu ku sheegay inuu oggol yahay in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho xeebaha Soomaaliya.
Intaas ka gadaal, sida ay wararku tibaaxayaan madaxweynaha Masar ayaa ku qasbay Gurguurte in uu ka qayb-galo shir ka dhan ah Itoobiya oo ay lahaayeen dalalka Masar, Eretariya iyo Suudaan, kaas oo laga soo saaray bayaan lagu daadafeeyey sad-bursiga webiga Niil iyo damaca badeed ee Itoobiya.
Bayaankan oo Gurguurte si qoor-qabad ah wax uga saxiixay ayaa si weyn uga caraysiiyey dowladda Xabashida Itoobiya, waxaanay Wakaaladda Wararka Itoobiya ku tilmaantay khaa’in laba-wajiile ah, iyadoo intaa ku dartay in madaxa Villa Soomaaliya uu wiiqay iskaashigii iyo xiriirkii amni ee muddada dheer u dhexeeyey Muqdisho iyo Addis Ababa.
Waxay qoomamo ka muujisay tacab badan oo ay sheegtay in ay gelisay yagleelka kooxda riddada Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in Xasan Sheekh uu gacan-bidixeeyey, isla markaana uu ka raacay dalal isku soo bahaystay burburinta wax ay ku sifaysay horumarka Itoobiya.
Machadka falanqeeya arrimaha amniga Itoobiya ee Adwa ayaa isna sheegay in aysan sii socon doonin gebi-dhacleynta iyo laba-lugoodinta Gurguurte, kaas oo sida uu sheegay doonaya, in lug uu kula jiro Itoobiya, lugta kalena uu kula safto isbahaysiga ay hoggaaminayso dowladda Masar, taas oo doonaysa in webiga Niil ay kula gorgortanto Itoobiya.
Wuxuu ku doodday machadku, in haddii Gurguurte uu ku guul-darraysto in Itoobiya uu u hir-geliyo marin-badeedkii bixintiisa uu ku ballanqaaday heshiiskiis Ankara, ay arrintaasi Addis Ababa ku riixi doonto inay dib ugu laabato heshiiskii 2024 ee ay la gashay Somaliland.
Machadka Adwa waxa uu xusay in aqoonsigii Yahuuddu ee Somaliland uu meesha ka saaray caqabaddii diblomaasiyadeed ee horey u jirtay, haatanna Addis Ababa aysan wajihi doonin culaysyadii siyaasadeed ee ku iman lahaa haddii ay noqon lahayd dalka ugu horreeya ee aqoonsada maamulka Hargeysa.
Maqaal usbuucii lasoo dhaafay uu daabcay wargeyska Itoobiyaanka ah ee Borkena ayaa si weyn ugu boorinaya maamulka Abiy, inuu awoodda saaro sidii uu hir-gelin lahaa damaciisa marin-badeed, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xeebaha Somaliland.
Loollanka gobolka gaar ahaan istaraatiijiyadda dhinaca badda ayuu wargeysku u qabiyey shan qaybood oo uu ku kala sheegay, KOW, cidda saamayn ku yeelan karta marin-biyoodka Baab al-Mandab, dekedaha, jasiiradaha iyo isu-socodka maraakiibta.
LABA, dhinaca milatariga, oo uu tilmaamay in loollanka ugu weyni uu yahay cidda samaysan karta saldhigyo milatari, xarumo ciidan-badeed, garoomo diyaaradeed iyo shabakado sirdoon oo isugu jira dabagal iyo xog-ururin.
SADDEX, dhinaca dhaqaalaha, oo uu tilmaan in loollanka ugu weyni uu yahay cidda gacanta ku haysa dekedaha, saadka iyo adeegyada gaadiidka, marinnada ganacsiga iyo maalgashiyada.
AFAR, dhinaca siyaasadda, oo qodobka ugu muhiimsan uu ku sheegay inuu yahay dawladaha lakala safanaya quwadaha shisheeye ee kala duwan ee iyaga lafarkoodu ku loollamay gobolka. Iyo qaybta SHANAAD oo ah dhinaca istaraatiijiyadda iyo juqraafiga.
Dekedde Berbera ayuu wargeysku tilmaamay in ay kulansatay shanta qaybood-ba, waxaanu sheegay in Itoobiya ay aaggaasi si fudud uga heli karto marin-badeed, maadaama shirkadda Imaaraatiga ah ee DP World ay gacanta ku hayso, isla markaana Yahuudduna ay galaangal xooggan ku leedahay.
Wargeysku wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidammada Itoobiya ay u baahan yihiin xarun joogto ah oo ay ku yeeshaan badda, saldhig milatari ama goob marin-badeed oo ay si madax-bannaan u maamusho, taas oo istaraatiijiyaddeeda iyo amnigeeduba ay ku tiirsanaan karaan.
"Natiijadaas awgeed, Itoobiya waxay hindisihii Somaliland ee sannadkii 2024 ku muujisay inay si uun u dabooli doonto baahideeda milatari, istaraatiijiyadeed iyo dhaqaale. Hindisahaas wuxuu suuragal ahaan muujinayey in Itoobiya ay si uun uga heli karto joogitaan istaraatiijiyadeed Gacanka Cadmeed iyo aagga Badda Cas,” ayaa lagu yiri maqaalkan uu daabacay wargeyska Borkena.
Wargeysku wuxuu xusay in Somaliland ay tahay mid ka mid ah dhulalka ugu qiimaha badan istaraatiijiyad ahaan ee Geeska Afrika. Taas oo muhiimaddeeduna si weyn u korodhay labadii sano ee la soo dhaafay.
Qiimaheeda istaraatiijiyadeed ee wargeysku uu carrabka ku dhuftay ayuu tilmaamay in inta badan uu ka imanaayo istaraatiijiyadda dekedda qadiimiga ah ee Berbera, Gacanka Cadmeed iyo u dhowaanshaheeda marin-biyoodka Baabul-Mandab.
"Berbera waxay qayb ka tahay silsilad istaraatiijiyadeed oo isku xidha Itoobiya, Somaliland, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Waana silsilad istaraatiijiyadeed oo ka xoog badan tan Jabuuti, taas oo isku xidha Itoobiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.” Ayuu yiri wargeyska Itoobiya.
Isagoo maqaalku ku dhiiri-gelinaya Addis Ababa sidii ay marin-badeed uga xayuubsan lahayd xeebaha Somaliland, ayuu tilmaamay in hanashada xarumo ciidan-badeed iyo kuwo ganacsi ay Addis Ababa ka dhigi doonaan quwadda qaaradda guud ahaan iyo gaar ahaan Bariga Afrika.
Haddii aynu intaas kusoo koobno guuxa maalmahan ka jiray gudaha Itoobiya, bal aynu milicsano dhankan iyo warbaahinta Yahuudda oo iyaduna usbuucyadan u dambeeyey muujinaysay taageero xooggan oo ku aaddan sidii Itoobiya u xaqiijin lahayd marin-badeed ay ka hesho xeebaha Soomaaliya.
Wargeyska The Time Of Israel oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda ayaa tan iyo usbuucii lasoo dhaafay si isda-joog ah u baahinaayey maqaallo dhiiri-gelin ah oo ku saabsan sidii Addis Ababa ay boorka uga jafi lahayd heshiiskii badda ee 2024 ee Somaliland iyo Itoobiya.
"Addis Ababa weli ma aysan go’aansan inay dib ugu laabato is-afgaradkii 2024, balse marka xaqiiqooyinkaas la isu geeyo, ikhtiyaarka Berbera wuxuu yeelanayaa maan-gal istaraatiijiyeed oo ka xooggan tii uu lahaa markii ugu horreysay ee heshiiskaasi lagu dhawaaqay.” Ayuu yiri wargeysku.
Wargeysku wuxuu carabaabay in haatan oo isbahaysiga ka dhanka ah Itoobiya uu sii xoogaystay ay fududaan karto in dib boorka ay boorka heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliand iyo Itoobiya, ay horey-ba u isticmaali jirtay dekedda Berbera oo gacanta ay ku hayso shirkadda DP World.
The Time Of Israel wuxuu si cad u sheegay in dagaalkan cusub ee Itoobiya ay caga la gashay uu sii kordhinaayo sida deg-degga ah ee ay ugu baahan tahay marin-badeed, maadaama ayuu yiri fallaagadu ay soo kubbaareeyeen marinka Jabuuti.
"Berbera waxay Itoobiya siinaysaa fursad arrintan wax looga qaban karo. Heshiis ay la gasho Somaliland wuxuu yarayn karaa ku-tiirsanaanta Itoobiya ee hal marin oo badeed, wuxuuna u suurtagelin karaa inay hesho marin badeed iyada oo aan iska horimaad kala kulmin dhulka Eritrea.” Ayuu yiri wargeysku.
Dhanka kale iyo gudaha Somaliland, waxaa oo baxaya oraahyo u adeegaya danaha Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee maamulka daba-dhilifka Hargeysa ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday in mar walba ay soo dhawaynayso sidii Itoobiya ay u heli lahayd marin-badeed. Iyadoo xogo weli aan la xaqiijin ay sheegayan in Cirro uu dhawaan u safri doono Addis Ababa.
"Somaliland waxay si joogto ah u taageeraysay heshiisyo laga wada xaajoodo oo Itoobiya u suurtagelinaya inay hesho marin-badeed, iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Cirro.
Isku soo wada duuboo, waxa muuqata in dalal badani ay xusul-duub ay ugu jiraan sidii dowladda Xabashida Itoobiya ay marin-badeed uga xayuubsan lahayd xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deggaannada uu gacanta ku hayo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
