Dowladda Maraykanka ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay in bishan lagu jiro ee Octoobar ay suuro-gal tahay in ay dhacaan weerarro ka dhan saldhigyada ciidanka millateriga ee dowladda Xabashida Itoobiya.
Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Addis Ababa ayaa sheegtay inay la socoto xog ku saabsan khatar la xiriirta weerarro laga yaabo in loo adeegsado gantaallada riddo dheer, kuwaas oo lagu bartilmaameedsan karo saldhigyada ciidamada Itoobiya.
Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Itoobiya ayay safaaraddu uga digtay inay u safraan gobollada Amxaarada, Tigreega iyo Canfarta, iyadoo intaa ku dartay in xaaladda amni ee deegaanadaasi ay tahay mid u baahan feejignaan dheeraad ah.
Sidoo kale muwaadiniinta Maraykanka ee hadda ku sugan gobolladaasi ayay safaaraddu kula talisay inay si degdeg ah uga baxaan goobaha ay ku sugan yihiin haddii ay helaan waddooyin ama fursado ammaan ah oo ay naftooda ku badbaadin karaan.
Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka gantaallada ridada dheer ee Maraykanka ka sanqariyey ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in haddii weerarradu dhacaan ay saameyn ku yeelan karaan xarumaha ciidamada iyo sidoo kale dadka rayidka ah ee ka ag dhow goobaha militariga.
Digniintan ayaa kusoo aadaysa xilli xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya ay cirka isku sii shareertay, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay cutubyo ka tirsan ciidamada Eretariya ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
