Amani Africa oo ah xarun falanqaysa arrimaha Afrika, fadhigeeduna yahay Addis Ababa, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah, isla markaana Al-Shabaab ay ka faa'idaysan karto isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee ka aloosan gobolka.
Warbixintu waxay iftiimisay in awoodda jihaadiyiinta Al-Shabaab ay tahay mid aad u caabboon, maadaama sida ay ka dhawaajisay ilaa hadda ciidamada Midowga Afrika aysan hayn ciidan la hubo oo kala wareegi kara mas’uuliyadda amniga Villa Soomaaliya.
Waxa uu machadku tilmaamay in xilli ay weli nugushahay awoodda dowladda federaalka Soomaaliya uu Maraykanku soo saaray go’aan uu dhammaadka sannadkan 2026 ku joojinayo lacagihii faraha badnaa ee uu siin jiray ciidamada Afrikaanta.
"Maraykanku wuxuu AU ku wargeliyay inuusan taageeri doonin in laga faa’iidaysto lacagaha ay dowladaha xubnaha ka ah UN-ka waajibka ku bixiyaan si loo maalgeliyo AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar…” ayay tiri Amani Africa.
Tallaabadan ayuu machadku ku sifeeyey dhabarkii ugu dambeeyey ee lasoo darsa hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo muddo labaatan sano ah dalka Soomaaliya kaga jiray duullaan gardarra ah oo dowladda Maraykanku ay garwadeen ka ahayd.
"Tani waxay muujinaysaa laba arrimood oo kala ah caqabadaha dhaqaale ee soo wajahay hawlgalka iyo in taageeradii caalamiga ahayd ee Soomaaliya ay sii yaraanayso…” ayaa lagu yiri warbixintan oo Amani Afica uu soo saaray Isniintii lasoo dhaafay.
Si kastaba, waxa muuqata in gebi ahaanba uu fashilmay duullaankii shareeco-la-dirirka ah ee muddada badan ka socday Soomaaliya, xilli Al-Shabaab ay sii laba-jibbaartay hawl-galladeeda, deggaanno badanna kusoo dabbaashay ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.
