Hawl-gallo kala duwan oo la sheegay in ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay afar gobol oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.
Gobolka Gedo, waxaa ka dhacay waaberigii saaka, weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay kula jarmaadeen xerada maleeshiyaadka daba-dhilifyadu ku leeyihiin degmada Ceel Waaq.
Gobolka Shabeelada hoose, jihaadiyiintu waxay habeennimadii xalay weerar culus oo ay ku mireen saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Jannaale.
Gobolka Bakool, waxaa isna ka dhacay weerar ay dagaalyahannadu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ee degmada Xudur.
Gobolka Banaadir, waxay jihaadiyiintu ka fuliyeen hawl-gal qarax ah oo lala beegsaday maleeshiyaad gaari Cabdi Bile ah ku watay deggaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Gaarigan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday isbaarada Shabeelle, ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyada Xasan Sheekh.
