Dagaallo culus oo ka socda waqooyiga Itoobiya iyo TPLF oo goodiday.

Monday October 05, 2026 - 06:50:19
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay weli ka socdaan dhowr deegaan oo gacan ku heyntooda ay ku loolamayaan ciidamada nidaamka Abiy Axmed iyo jabhadaha mucaaradka ah.
Dagaallo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa ka socda duleedyada magaalooyinka Shiire,Adigrat iyo Aksum, ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka jabhadda TPLF ay weeraro dhabagal ah udhigeen kolonyo katirsan ciidanka Itoobiya kadibna waxaa dhacay iska hor'imaadyo culus.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Shiire ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka nidaamka Abiy Axmed ay duqeymo culus ku beegsadeen isbitaallo iyo xarumo kale oo lagu tuhunsanyahay dagaalyahanada kooxda TPLF.

Dhinaca ismaamullada Cafarta iyo Amxaarada waxaa lagasoo sheegayaa dagaallo culus kuwaas oo udhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha mucaaradka ah, inkastoo ciidamada dowladda Federaaliga ah ay qabsadeen magaalooyinka Maqalla iyo Alamaata hadane waxay lakulmayaan silsilo weeraro isku xiran ah oo uga imaanaya jabhadaha hubaysan.

Markii ugu horraysay jabhadda xoreynta Tigreega ayaa war kasoo saartay dib uqabsashadii magaalada Maqalle ee dowladda Abiy Axmed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka jabhadda ayaa lagu sheegay in Maqalla ay isaga insixaabeen sababa laxiriira iyagoo uturaya shacabka waxayna TPLF ku goodisay in dhankooda uu dagaalku hadda billaaw u yahay oo ay ciidamada dowladda Itoobiya ka xoreyn doonaan dhammaan dalka sida hadalka loodhigay.

Kooxda ayaa ugu baaqday shacabka qowmiyadda Tigreega in ay muujiyaan midnimo ayna taageeraan wax ay ugu yeertay halganka dib uxoreynta.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa dagaallada dib ugasoo cusboonaaday wadanka ku eedaysay dowladaha Masar iyo Eereteriya oo uu khilaaf xoogani kala dhaxeeyo.

Related Items

Update cookies preferences