Gurguurte oo xaqiijiyey in raalli uu ka yahay in Itoobiya qaadato xeebaha Soomaaliya.

Sunday October 04, 2026 - 11:48:19
MeMO Staff
Madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale shaaca ka qaaday mowqifkiisa ku aaddan damaca marin-badeed ee dowladda Xabashida Itoobiya ay ku rabto inay ku xayuubsato qaybo ka mida xeebaha Soomaaliya.
Waraysi uu Gurguurte saacadihii lasoo dhaafay siiyey warbaahinta Al-Jaziira, ayuu si cad ugu sheegay in kooxda Villa Soomaaliya ee hor-joogaha uu ka yahay aysan marnaba kasoo horjeedin in Itoobiya oo aan bad lahayn ay hesho marin-badeed.

Xasan Sheekh wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda Itoobiya ay ku wargelisay inay u baahan tahay marin-badeed, isagoo sheegay in sida keliya ee arrintaasi ku suurtoobi karto ay tahay heshiis ay wada-jir ah u gaaraan Muqdisho iyo Addis Ababa.

Intii uu waraysiga ku guda jiray, waxa kale oo madaxa kooxda riddada Soomaaliya carrabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin in Itoobiya ay laba ama saddex ka mid ah dekedaha Soomaaliya u isticmaasho dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaheeda.

Waraysiga uu Xasan Gurguurte kaga hadlay arrimahan ayuu bixiyey maalmo kaddib markii uu magaalada Addis Ababa uu kula kulmay R/Wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo bulshada laga qariyey waxyaabihii looga hadlay kulankaasi.

Hadallada Gurguurte ayaa mar kale bannaanka keenaya mowqifkiisa dhabta ah iyo sida uu diyaarka ugu yahay dhamaystirka heshiiskii xaaraanta ahaa ee Itoobiya ay doonaysay inay ku qaadato qaybo ka mida xeebaha Soomaailya ee 2024-kii ay ka saxiixatay Muuse Biixi, madaxii hore ee Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences