SAWIRRO: Xarakada Al-Shabaab & beesha Xawaadle oo heshiis ku gaaray degmada Maxaas.

Saturday October 03, 2026 - 16:50:57
MeMO Staff
Sida goor dhawayd uu baahiyey maktabka warfaafinta Al-Shabaab ee Al-Kataa'ib, Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku gaaray heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac.
War-murtiyeed kasoo baxay shirka wadatashiga Xarakada Al-Shabaab iyo Beesha Xawaadle, ayaa Nabadoon Cabdishakuur Muuse Cilmi Ugaas uu goobta ka akhriyey, kaas oo u dhignaa sidan:

"Bayaan: Waxaa 28/03/1448 soo gabagaboobmay shirweyne socday muddo laba todobaad ah oo u dhaxeeyey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle Sheekh Muxammed.
 
Kulamo is-daba-joog ah oo ay dhinac socdeen dowrooyin diini ah, loogana niqaashayay arrimo badan oo muhiim ah, laguna xalliyey khilaafkii dhex-maray Mujaahidiinta iyo Beesha, ayaa ugu dambayn laga soo saaray qodobadan soo socda:
 
1. Beesha Xawaadle Sheekh Muxammed waxay caddaynaysaa, in iyaga iyo Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaab ka heshiiyeen, dhammaan khilaafyadii iyo madmadowgii soo kala dhex-galay.

2. Beesha Xawaadle Sheekh Muxammed waxay qaadatay in deggaannadeeda si buuxda looga hir-geliyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxayn odayaasha iyo culimada beeshu ballan-qaadeen inay shareecada gaarsiiyaan dadkooda iyo deggaannadooda.

3. Beeshu waxay isla garatay in ay xoojiso garab-istaagga jihaadka iyo Mujaahidiinta, ayna u hurto naftooda iyo maalkooda.

4. Beeshu waxay ballan-qaadday in deggaannadeeda ay ku nabad-galaan mujaahidiinta iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah, kaalin mug leh-na ka qaataan nabad-gelyada deggaannadooda.

5. Beeshu waxay ka dhiidhinaysaa kana dagaallamaysaa cadowga weerarka ku ah diintooda, naftooda, hantidooda, dhulkooda iyo sharaftooda. Waxaanay qaadanaysaa kaalinteeda difaaca.

6. Beeshu waxay ballan-qaadaysaa in aysan ku lug-yeelan ku milmidda qayb-na aanay ka noqon siyaasadda kooxda riddada iyo maamulladeeda.

7. Beeshu waxay qaadatay inay dadkeeda ka ilaaliso uga digto kana feejignaato, dhagaraha siyaasadeed ee saliibiyiinta iyo murtadiinta.

8. Waxay qaadatay in ay deggaannadeeda aan laga abaabulin laga hawl-gelin magan-gelyana lagu siinin, maleeshiyaadka iyaga ka dhashay ee loo yaqaan macawisleyda, kana hor-tagaan in magaceeda loo adeegsado la-dagaallanka mujaahidiinta.

9. Waxay qaadatay in ay deggaannadeeda ka ilaaliso, maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, gacan bir ah-na ku qabato dadka tahriibiya mukhaadaraadkaasi iyagoo kaashanaya maamulkooda islaamiga ah.

10. Waxay sidoo kaleeto beeshu ballan-qaadaysaa, in aysan ogolaanin, raallina ka ahayn, in isbaaro la dhigto deggaannadeeda, kaalin mug leh-na ka qaadato ka-hor-tagga iyo suulinta isbaarooyinka.

11. Waxay ballan-qaadaysaa inay kaalin mug leh ka qaadato faafinta dacawadda Islaamka, ee deggaannadeeda iyadoo kaashanaysa culimada iyo odayaasha beesha, xooggana la saarayo dacwadda baadiyaha.

12. Odayaasha beeshu waxay caddaynayaan in aysan ka qayb-qaadan doonin doorashooyinka kooxda riddada, dadkoodana ay uga digayaan.

13. Beeshu waxay adkaynaysaa ilaalinta, xoojinta iyo fulinta ballamihii ay wada-galeen iyaga iyo mujaahidiinta, lagana hor-tago, waxkasta oo dhaawac u keeni kara heshiiska la gaaray.

14. Waxay ballan-qaadaysaa inay kaalin mug leh ka qaadato horumarinta deggaanka iyo soo camiraadda deggaannadii dagaalladu ay waxyeelleen. Isla markaana dadkii dagaallada ka qaxay lagu soo celiyo deggaannadoodii.

15. Waxay baaq toobad-keen ah u dirayaan dhalinyarada ka dhalatay ee la marin-habaabiyey, kuna biiray safka murtadiinta.

16. Beeshu waxay qaadatay dadkeedana ugu baaqaysaa inay deris-wanaag kula noolaadaan beelaha ay walaalaha yihiin, wixii dhex-marana ay kula macaamilaan shareecada Islaamka.
 
Wabillaahi Towfiiq.”

FG: Kusoo biir barta aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences