Diyaarad sidday Yahuud fara badan oo si dirqi ah uga badbaaday afduub + SAWIR.

Wednesday September 30, 2026 - 14:32:56
MeMO Staff
Diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai oo ka duushay Dubai kuna socotay Talaabiib ayaa Arbacadii maanta si degdeg ah ugu leexatay magaalada Tabuuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga, kadib markii la sheegay in isku dhac uu dhex maray labada duuliye ee diyaaradda.
Sida laga soo xigtay bogga dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24, diyaaradda ayaa iyadoo dul-maraysa hawada Urdun dirtay calaamadaha xaaladaha degdeg ah, dhowr daqiiqo kaddib-na waxay dirtay calaamad kale oo muujinaysay faragelin sharci-darro ah ama afduub suuro-gal ah.

Diyaaraddan oo duullimaadkeedu ahaa FZ1073, nooceeduna yahay Boeing 737, ayaa warbaahinta Yahuuddu sheegtay inay saarnaayeen ku dhowaad 150 rakaab Sahaayino ah, taas oo mar kale dirtay calaamadda digniinta, ka hor inta aysan ku degin garoonka Tabuuk.

Xogta diyaaradda ayaa muujisay inay si lama filaan ah oo xawaaraheedu sarrreeyo ay hoos ugu soo dhacday ku dhowaad 14,000 feet (qiyaastii 4,270 mitir) muddo ka yar 30 ilbiriqsi, wax yar ka hor inta aysan dirin calaamaddii ugu horreysay ee xaaladda degdegga ah, sida ay sheegtay Flightradar24.

Doron Spielman, oo ah afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, ayaa Reuters u sheegay in dhacdada aan loo malaynayn inay ahayd afduub diyaaradeed, balse uu ku tilmaamay dhacdo ka duwan arrintaasi.

Afhayeen u hadlay Flydubai ayaa sheegay in caqabad ay lasoo dirstay diyaaradda xilli ay ku sii jeeday Telaabiib, taas oo sababtay in loo weeciyo laguna dejiyo Tabuuk, waxaanu intaas ku daray in dhammaan rakaabkii ay badqabaan, lana xaqiijiyay xaaladdooda, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

Sarkaal Sahaayino ah oo Reuters la hadlay, balse codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in duuliyeyaashu ay direen calaamadaha xaaladda degdegga ah kaddib markii ay ku dhex dagaallameen gudaha diyaaradda.

Sida ay ka dhawaajisay wakaaladda wararka Reuters, Weli ma cadda in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu si ula kac ah u diray calaamadahaas.

Yasmin Abu Kasis ayaa sheegtay in gabadheeda Miriam, oo ka mid ahayd rakaabka diyaaradda, ay u sheegtay inay maqashay qaylo, isla markaana nin mindi watay uu mid ka mid ah duuliyeyaasha si qasab ah dhulka u dhigay, iyadoo dhiig badanna uu meel walba yaallay.

Sarkaal Yahuudi ah ayaa The Jerusalem Post u sheegay in si dirqi ah looga baaqsaday masiibo weyn, iyadoo ay jireen cabsi sii kordhaysay oo ahayd in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu isku dayay inuu diyaaradda afduubto, isagoo damacsanaa inuu dhulka ku dhaco.

Shaqaale kale oo diyaaradda ka tirsanaa, oo ay caawiyeen qaar ka mid ah rakaabkii Sahaayinada ahaa, ayaa ku guuleystay inay duuliyahaas qabtaan oo ay xakameeyaan, sida uu sarkaalku sheegay.

Hay’adaha amniga Yahuudda, oo ay ku jiraan Ciidanka Yahuudda ee IDF, hey’adda sirdoonka dibadda ee Mossad iyo hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet, ayaa sii xoojinaya qiimeyntooda ah in dhacdadu ahayd wax ay ugu yeereen fal argagixiso.

Ciidamada Cirka ee Yahuudda ayaa diyaaradahooda dagaalka hawada geliyay si ay ugu diyaar garoobaan xaalad degdeg ah oo suurtagal ah, waxaana kor loo qaaday heerka feejignaanta, sida warbaahinta Yahuudda ee Walla ay sheegtay. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale kulan amni la yeeshay saraakiisha difaaca.

Warbaahinta Sahaayinada ayaa u badinaysa in duuliyuhu uu damacsanaa inuu diyaaradda afduubo, iyadoo ilo dhinaca Sahaayinada ah uu The Jerusalem Post u sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in duuliyaha looga shakisan yahay inuu yahay nin u dhashay Cumaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladda "gacanta lagu hayo”, isla markaana dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay la qaadayo si rakaabka Sahaayinada ah dib loogu celiyo dhulka Yahuuddu ay xoogga ku haysato.

Flydubai waxay maalin kasta duulimaadyo tagid iyo soo-noqosho ah ku sameysaa khadka Dubai–Tel Aviv, kaas oo ay si weyn u isticmaalaan dadka Yahuudda ah. Isagoo duulimaadkani caadi ahaan uu maro hawada Sacuudiga iyo Urdun.

Related Items

Update cookies preferences