Ciidamada Kenya oo 4 qof oo Itoobiyaan ah ku dilay deggaan ku dhow xuduudka.

Wednesday September 30, 2026 - 06:58:04
MeMO Staff
Ugu yaraan afar qof oo ka tirsanaa maleeshiyada qoomiyadda Dassanech ee Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad dhex-maray iyaga iyo Ciidamada Kaydka Booliska Kenya ee gobolka Turkana ee waqooyi galbeed Kenya, sida ay boolisku sheegeen.
Iska hor’imaadkan lagu laayay dadka Itoobiyaanka ah ayaa fiidnimada Axaddii lasoo dhaafay si gaar ah uga dhacay deegaanka Kibish ee Gobolka Turkana, oo ku dhow xadka ay wadaagaan labada dala ee Kenya iyo Itoobiya.

Dagaalkan ayaa ayaa la sheegay inuu sare u qaaday xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo laga cabsi-qabo weerarro kale oo aargoosi ah. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah lagu daad-gureeyey deegaanka, iyadoo ay socdaan dadaallo la doonayo lagu dejiyo xiisadda.

Iska hor’imaadkan dhacay Axaddii ayaa la sheegay inuu bilowday kadib markii maleeshiyaadka qoomiyadda Dassanech lagu eedeeyay inay gudaha u soo gudbeen deegaanka, iyagoo doonayay inay u aargudaan dad looga laayay weerar dhacay 26-kii Sebtembar.

Xatooyada iyo dhaca xoolaha ayaa la sheegay inay dhibaato joogto ah ka tahay deegaanka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in kooxo ka yimaada Itoobiya ay gudaha Kenya u soo gudbaan iyagoo raadinaya xoolo.

Mas’uuliyiinta deggaanka ayaa sheegay in sidoo kale kooxo ka yimaada Kenya ay sidaas oo kale gudaha Itoobiya ugu gudbaan si ay xoolo u soo dhacaan, taas oo ah arrin muddo sannado ah soo jirtay, dedaallo badan oo xal loogu raadinayey-na ay fashilmeen.

Related Items

Update cookies preferences