Wargeyska Yahuudda ee Maariv ayaa baahiyey maqaal ku dooddaya in maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland uu laf-dhabar u noqon karo isbahaysiga cusub ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, gaar ahaan xiriirka sii xoogeysanaya ee Yahuudda, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Hindiya.
Furaha istiraatiijiyadeed ee beddeli kara isku-dheellitirka awoodda Geeska Afrika iyo Badda Cas, ayuu maqaalku ku tilmaamay inay tahay Berbera, isagoo labada isbahaysi ku kala sheegay wax uu ugu yeeray nidaamkii hore ee gobolka, oo ay hoggaaminayaan Qatar, Turkiga iyo Soomaaliya, iyo nidaamka cusub, oo uu ku sheegay Yahuudda, Imaaraadka, Itoobiya, Hindiya iyo Somaliland.
Booqashada Cirro ee Washington ayuu maqaalku u arkaa fursad weyn, maadaama ayuu yiri ay tahay markii ugu horreysay ee hoggaanka Somaliland Washington loogu qaabilayo kulamo rasmi ah oo heer sare ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen oo keliya olole aqoonsi.
Qormadu waxay Somaliland ku sifaysay meel muhiim ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isla markaana leh dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, waxaanay siin karta ayay tiri, Maraykanka iyo xulafadiisa, meel ay ka fuliyaan hawl-gallada Bab al-Mandab iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, laguna xaddido saameynta Iran ee gobolka.
Maqaalku wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa dekedda Berbera oo uu ku tilmaamay xarun isku xiri karta Afrika iyo Aasiya, gaar ahaan Itoobiya, Imaaraadka, Hindiya iyo Somaliland, arrintaas oo uu xusay inay abuuri karto marin ganacsi oo cusub oo ka madax-bannaan qaar ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee ka aloosan Bariga Dhexe.
Dhanka amniga, qormo-yahuudeedkani waxay ku doodaysaa in Somaliland loo adeegsan karo saldhig ay Maraykanka iyo reer-galbeedku kaga hortagaan khataraha Badda Cas, gaar ahaan Xuutiyiinta iyo waxa ay ku tilmaantay is-ballaarinta saameynta Iran ee Geeska Afrika.
Waxa kale oo maqaalkani uu Somaliland u arkaa miisaan looga hortagi karo saameynta sii kordheysa ee Shiinaha, maadaama Somaliland ay xiriir rasmi ah la leedahay Taiwan, halka Shiinuhu saldhig ciidan ku leeyahay dalka Jabuuti.
Maqaalku wuxuu intaas ku darayaa in Somaliland ay leedahay jawi ku habboon in la maal-gashado maadaama ay leedahay ayuu yiri, fursado dhaqaale iyo kheyraad dabiici ah, oo ay ku jiraan macdano muhiim u ah warshadaha, tiknoolajiyadda iyo difaaca.
Washington ayuu maqaalku u soo jeediyey in ay tixgeliso aqoonsiga Somaliland, in Berbera laga dhaqan-geliyo xarun ciidan oo badeed ama cirka ah; iyo in maamulka Hargeysa lagu daro mashaariicda maalgelinta Maraykanka iyadoo lala kaashanayo Imaaraadka iyo Hindiya.
Qormadu waxay sidoo kale maamulka Yahuudda kula talisay inuu safaarad buuxda ka furto Hargeysa, si ay Somaliland uga taageerto dadaallada aqoonsiga Washington, isla markaana ay la yeelato iskaashi dhinacyada sirdoonka, amniga iyo xeebaha ah.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
