Africa Defense Forum (ADF) oo ah majallad millateri oo uu soo saaro taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa warbixin ay shalay baahisay ku sheegtay inay sii xoogaysanayso dhibaatada dhaqaale ee ku habsatay waxa loogu yeero hawlgallada nabad-ilaalinta Afrika, xilli ay sii kordhayaan ayay tiri, khataraha jihadiyiinta ee qaaradda Afrika.
Sida warbixintu ay ka dhawaajisay, khubaro amni iyo mas’uuliyiin ayaa ka arrinsanaya mustaqbalka hawlgallada nabad-ilaalinta Afrika, iyadoo ay soo baxday xaalad cusub oo muujinaysa awoodda jihaadiyiinta oo sii kordhaysa iyo maalgelinta caalamiga ah oo sii yaraanaysa.
Sida lagu sheegay warbixin uu bishii May soo saaray Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), taageerada dhaqaale iyo tirada ciidamada loo diro hawlgallada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 2025 gaartay heerkii ugu hooseeyay 25 sano.
Qaramada Midoobay ayay majalladu sheegtay in bishii Diseembar 2025 dirtay ciidan 49% ka yar tirada ciidamadii ay dirtay 2016, waana tiradii ugu hooseysay ugu yaraan tan iyo sannadkii 2000. Iyadoo ADF ay warbixinteedan soo raacisay sawirka askarta AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya.
Tobankii sano ee la soo dhaafay tirada ciidamada UN-ka ayaa sii yaraanaysay, balse 2025 ayay ADF sheegtay in noqotay sannadkii ugu hoos-u-dhaca weynaa, iyadoo sanad gudihiis ay tirada ciidamada hoos u dhacday 17%.
"Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, waxaan arki karnaa hoos-u-dhac weyn oo ku yimaadda dadaallada caalamiga ah ee maaraynta colaadaha, iyo in hay’adaha sida Qaramada Midoobay ay ku dhowaadaan in gebi ahaanba ay lumiyaan kaalintooda, taas oo ka dhalanaysa isku-biirka caqabado dhaqaale, siyaasadeed iyo juqraafi-siyaasadeed,” ayuu yiri Jaïr van der Lijn, agaasimaha SIPRI.
Warbixintu waxay carabowday in sidoo kale hawlgallada Midowga Afrika iyaguna aysan haysan hannaan maalgelin oo joogto ah oo si toos ah u shaqeeya, waxayna ku tiirsan yihiin ayay tiri, maal-geliyeyaal aan si joogto ah lacag u siin.
Muddo dhowr sano ah, AU waxay dhistay waxay ugu yeertay Sanduuqa Nabadda oo gaaraya $400 milyan, balse waxa ilaa hadda laga bixiyey oo keliya dhowr milyan oo doollar, kuwaas oo loo adeegsaday jawaab-celin degdeg ah iyo taageerada dadaallada dhexdhexaadinta, sida ay sheegtay ADF.
Jakkie Cilliers, oo ah aasaasaha Machadka Daraasaadka Amniga (Institute for Security Studies) ee Koonfur Afrika, ayaa ka digay in jarista miisaaniyadaha caalamiga ah ay Afrika ku riixi karto inay yeelato nidaamyo amni oo sii kala qoqobma, kuna dhisan heshiisyo laba-geesood ah.
Aasaasaha Machadka ISS, waxa uu si cad u sheegay in la gaaray wakhtigii dalalka Afrika ay si weyn ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amnigooda. Waxaanu maqaal uu soo saaray ku yiri; "Mas’uuliyadda amniga Afrika waxay saaran tahay dalalka Afrika, ee ma saarna dalal kale.”
ADF waxay soo kale soo qaadatay hadallo ay sheegtay in dhowr jeer ay ku cel-celisay hey’adda Aamani Africa, kaas oo ay kaga digaysay in awood millateri aan looga adkaan karin jihaadiyiinta, dagaalkuna uu sii adkaanayo marba marka ka dambaysa.
"Colaadaha ka jira qaaradda Afrika ee sii adkaanaya, laguma xallin karin oo keliya awood militari,” ayay Amani Africa ku sheegtay warbixin ay soo saartay bishii Abriil, xilli uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu kulan ku lahaa caasimadda Addis Ababa.
Golaha iyo dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa ka hadlay caqabadaha hawlgallada, sida saadka, dhaqaale-yarida iyo baahida loo qabo maalgelin la saadaalin karo oo waarta oo lagu taageero hawlgallada uu Midowga Afrika hoggaamiyo.
El-Ghassim Wane, oo hore u ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha waxa loogu yeero nabad-ilaalinta, ayaa sheegay in hoos-u-dhaca lacagihii la siin jiray UN-ka uu khasbay in si weyn loo dhimo hawlgallada ay hadda waddo Qaramada Midoobay, taasina ay Midowga Afrika ku qasbeyso inay la qabsato xaaladda cusub.
"Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay awoodi waayeen ama aysan diyaar u ahayn inay soo ururiyaan lacagta loo baahan yahay si loo sii wado hawlgallada nabadda, gaar ahaan hawlgallada waaweyn,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay kulankii Abriil ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU.
"Isla waqtigaas, taageeradii Qaramada Midoobay waxay ka hoos martay wixii laga filayay.” Ayuu yiri El-Ghassim Wane, isagoo ku boorriyey Midowga Afrika, in maadaama ay lacag-yaraan baahsani jirto ay si weyn u yareeyaan hawl-gallada.
Jakkie Cilliers, oo ah khabiir ka tirsan Institute for Security Studies ayay warbixintu sheegtay in isna uu ku baaqay in dowladaha Afrikaantu ay qaab-dhismeedka ciidamadooda iyo miisaaniyadahooda amni ay la jaanqaadaan caqabadaha hadda jira.
"Lacagta lagu bixiyo tababarka ciidamada Afrikaanta iyo soo iibinta qalab militari oo qaali ah, sida diyaaradaha dagaalka, marar badan waa khasaare…” ayuu yiri Jakkie Cilliers.
"Qaramada Midoobay ma aysan bilaabin hawlgal cusub oo nabad-ilaalin ah oo qaaradda Afrika ah tan iyo 2015, halka AU-na aysan hawlgal cusub oo noocaas ah bilaabin tan iyo sannadkii 2013…” ayay tiri majalladda Africa Defense Forum.
Claudia Pfeifer Cruz oo ah cilmi-baare ka tirsan SIPRI ayaa ka digay burbur uu tilmaamay inuu kusoo wajahan yahay guud ahaan nidaamka caalamiga ah ee hawl-gallada amniga loogu fuliyo sida wada-jirka ah, lagana yaabo in mustaqbalka dal walba uu soo dhaafi waayo danihiisa gaarka ah.
Si kastaba, warbixintan ay soo saartay majalladda AFRICOM waxay bannaanka keentay in maalgelinta caalamiga ah ee hawlgallada amni ee Afrika ay sii nuxuusayaan, xilli ay sii adkaynayso in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay sii wadaan hawlgallada waaweyn ee muddo dheer socday.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
