SAWIRRO: Daawo khasaaraha duqeyn diyaaradaha Maraykanku ku beegsadeen guryaha shacabka ee deggaanka Farsooleey.

Monday July 06, 2026 - 12:41:52
MeMO Staff
Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka ayaa habeennimadii xalay duqayn bahalnimo ah ku beegsatay xaafado dad shacab ah ay deggen yihiin oo ku yaalla deggaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha hoose.
Sida aanu xogta ku helnay, isla markaana laga dheehan karo sawirro laga soo qaaday, waxay diyaaradaha Maraykanku si gaar ah u bartilmaameedsadeen guryo shacab, masaajid, dugsi qur’aan iyo weliba goobo ganacsi.

Waxa xusid mudan in Maraykanku uu xalay duqayntan fuliyey, kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka hor-tageen isla markaana si ba’an u jabiyeen maleeshiyaad bangaraaf ah oo diyaaradaha Maraykanku ay dusha ka ilaalinayeen, kuwaas oo duullaan kusoo qaaday deggaankaasi.

Khasaaraha ka dhashay duqayntaasi bahalnimada ah ee Maraykanka ku beegsaday shacabka Farsooley, waxaad kaga bogan kartaan sawirradan hoos ka muuqda.

Related Items

Update cookies preferences