Hoggaanka Al Shabaab oo digniino adag udiray shirkadaha iyo Bankiyada fududeynaya dhaca hantida shacabka [Video].

Sunday August 25, 2024 - 12:15:09
Liibaan Jeexoow
Hoggaanka sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war rasmi ah kasoo saaray lacagaha canshuuraha dheeraadka ah ee dowladda Xasan Gurguurte ay kusoo rogtay shacabka Soomaaliyeed.
Kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka Xarakada ayuu si adag uga hadlay lacagaha badda ah ee dowladdu kusoo rogtay shacabka iyo ganacsatada.

"Waxaan ognahay shirkadaha iyo bangiyada khaa’imiinta ah ee ay dadka Muslimiinta ah ku aamineen hantidooda, kadibna xogihii ay hayeen la wadaagay gaalada iyo murtadiinta, hadana saami ku leh lacagta boqolkiiba shanta [%5] lagu sheegay ee xoogga looga qaadanayo shacabka Muslimiinta ah ee nolol-maalmeedkooda la daala-dhacaya" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Kalimadda Sheekh Cali dheere oo ladaawan karo qadar 8 daqiio ah ayuu si qota dheer uga hadlay marxaladaha uu soo maray mashruucan boobka ah ee ka dhanka ah hantida shacabka Soomaaliyeed.

Shirkadaha iyo Bankiyada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin boobka lagu hayo hantida umadda Soomaaliyeed ayna dowladda Xasan Gurguurte sheer kula noqdeen lacagaha badda ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fursad loosiiyay in ay hantidooda ugala baxaan Bankiyada iyo shirkadaha howshan ku lugta leh muddo 6 maalmood ah oo ka billaabanaysa 25 Agoosto 2024, kuna beegan 21 safar 1446.

Ugu dambeyn Xarakada Al Shabaab ayaa shirkadaha iyo Bankiyada laba arrin kala doorsansiisay in ay dariiqa saxda ah qaadaan oo ay xifdiyaan hantida iyo xogta shacabka ama in ay cadowga lasoo saftaan.

"ugu dambeyntii Waxaan dhamaan bangiyada, shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay u sheegeynaa inuu khiyaarku gacantooda ku jiro, waxa u furana ay tahay oo kaliya inay kala doortaan inay madax banaanidooda dhawraan, ilaaliyaan ballantii ay ka qaadeen bulshada ee ahayd inay maalkooda u xafidayaan, xogahooda u ilaalinayaan, ammaanada loo dhiibtayna soo celinayaan xilligii looga baahdo, ama inay la saftaan nidaamka ridada ah oo ay ka qayb qaataan boobka lagu hayo hantida shacabka, kadibna u diyaar garoobaan ciqaabta ay ka helaan xukunka shareecada Islaamka"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali dheere.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka lacago baad ah duldhigtay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho arrinkaas oo jiha wareer maaliyadeed ka dhaliyay dalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo kalimadda Sheekh Cali
Halkan ka degso
ku daawo Telegram
toos udaawo kalimadda Sh.cali dheere

Related Items

Update cookies preferences