Weerarro kala duwan ayay wararku tibaaxayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen deggaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo aanu helnay, kooxda Al-Shabaab ayaa goor dhawayd, salaaddii maqrib kadib, weerar ku qaadday saldhigga ciidanka dowladda federaalka ee deggaanka Mubaarak.
Sidoo kale, kooxdu waxay maanta weerartay saldhiga ciidanka Xasan Sheekh Maxamuud ee deegaanka Bariire ee isla gobolka Shabeellaha hoose.
Gudaha degmad Jannaale, waxaa iyadana ka dhacay habeennimadii xalay, weerar qorshaysan oo sida la xaqiijiyey mintidiintu ay fuliyeen.
Weerarkan ayaa lagu dilay nin lagu magacaabi jirey Aweys Ilbuun oo sida la sheegay ka tirsanaa ciidanka sirdoonka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Hawl-gallada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya iyo kuwa dowladda federaalka ayaa u muuqda kuwo sii laba-jibbaarmaya muddooyinkan dambe.
