Safiirkii hore ee USA ee Soomaaliya oo sheegay in Turkigu duqaymo bahalnimo ah ka geystay duleedka Baydhabo.

Tuesday October 13, 2026 - 09:18:08
MeMO Staff
Xilli ay xiisado siyaasadeed oo mararka qaar isku bedela gacan ka hadal ka dhax taaganyihiin kooxda Villa Soomaaliya ayay qaar kamid ah dowladaha reergalbeedka ka digayaan sii socoshada colaadaha arrinkaas ka dhasha.
Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay magaalada Muqdisho sanadihii 2022-2023 ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Villa Soomaaliya ay ku lug leedahay dagaallo dhaxdeeda ah isla markaana ay isku dayayso in ay xoog ku muquuniso siyaasiyiinta diiddan fikirkeeda.

Larry Edwar André ayaa wareysi uu bixiyay si qota dheer uga hadlay dagaallada ka holcaya magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda kuwaas oo udhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan Cabdicasiis Laftagareen iyo Xasan Gurguurte.

Wuxuu carrabaabay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ee loo yaqaan F16 ay xasuuq u geysanayaan shacabka ku dhaqan duleedka Baydhabo.

"Mas’uuliyadda koowaad ee daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay dusha ka saaran tahay dowladda Soomaaliya. Laakiin hadda Soomaalidu dhab ahaantii maba haystaan dowlad. Nidaamka Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli xoog ku sii haysta xukunka, iyadoo muddo xileedkiisu dhammaaday, ayaa ah dhinac ugu dhow ee maanta mas’uuliyaddaas lagala xisaabtami karo” Ayuu yiri Andre.

Waxa kale oo intaas uu raaciyey "Isaguna halkii uu wax ka qaban lahaa dhibaatada bani’aadannimo ee taagan, wuxuu sii kordhiyey dhibaatada uu ku hayo dadkiisa, Waxaa isoo gaaray war aanan weli xaqiijinin balse uu ii sheegay qof aan ku kalsoonahay, kaas oo ah in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee F-16 ay duqeeyeen Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada laga soo tebinayo xaaladaha bani'aadanimo iyo cunto-yarida ugu daran, iyo rabshadaha ugu badan ee ka dhashay weerarrada maamulka taabacsan Xasan Sheekh ku hayo dadka deegaanka.”

Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub oo ay madaxa isla galeen dhinacyo badan oo markii hore hal mowqif ka taagnaa dagaalada ka socda dalka iyagoona dhabarka isku jeediyay haddana loollamaya.

Loollanada kale ee ka taagan mandiqadda Geeska Afrika ayaa la rumeysan yahay in ay saameyn ku leeyihiin xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Related Items

Update cookies preferences