Duruuf adag oo ku habsatay qoysaska askar Maraykan ah oo ku dhimatay dagaalka Iiraan.

Sunday October 11, 2026 - 09:57:23
MeMO Staff
Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee AP ayaa ka warramaysa dhibaatada nafsiyeed iyo tan nololeed ee soo wajahday qoysaska askar Maraykankan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ay fulisay dowladda Iiraan.
Hawl-galkan oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayay Iraan Iiraan 1-dii Maarso 2026 ku qaadday deked ay xilligaasi ku sugnaayeen ciidamada Maraykanka oo ku taal gudaha dalka Kuweyt.

Michelle Tietjens, oo ninkeeda lagu magcaabi jira Noah Tietjens weerarka ku dhintay, ayaa sheegtay in maalin walba ay la tacaasho murugada geerida ninkeeda, isla markaana ay keligeed korinayso wiilkooda oo 13 jir ah.

Sida ay warbixintu xustay qoysaska askarta dhimatay ayaa weli ka cabanaya in aan loo soo bandhigin jawaabo ku filan oo ku saabsan weerarka iyo natiijada baaritaankiisa.

Sidoo kale, Tina Marzan ayaa ka sheekaysay murugada ka dhalatay geerida ninkeeda, Robert Marzan, oo isagana lagu dilay weerarkaasi.

Waxay qoomamo ka muujisay hadal uu Donald Trump 4-tii Sebtembar ku tilmaamay colaadda mid aan sidaas u weynayn, iyadoo soo jeedisay in aan la yaraysan dhibaatada haysata ciidamada Maraykanka.

Dhanka kale, Tim Halbur, oo ahaa sarkaal ciidan oo weerarka ku dhaawacmay, ayaa la tacaalaya dhaawac culus oo gacantiisa ka soo gaaray, kaas oo aanu si buuxda uga soo kaban.

Inkasta oo sida ay warbixintu sheegtay, uu bilo ku qaatay xarun caafimaad oo ciidan, haddana wuxuu wajahaya caqabado la xiriira daaweynta iyo soo kabashada dhaawacyada jirka iyo kuwa nafsiga ah.

Xaaskiisa Holly Halbur ayaa sheegtay in muddadii uu ninkeedu ka dhaawaca la jiifay ay wax weyni iska beddeleen nolol-maalmeedkeeda.

Related Items

Update cookies preferences