Ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaad xulafo la ah ayaa Sabtidii maanta gudaha u galay magaalada Adigrat oo ka tirsan gobolka Tigray, una dhow xuduudda ay Itoobiya la wadaagto dalka deriska la ah ee Ereteriya, sida ay Reuters u sheegeen saddex qof oo magaalada deggan.
Dib ula wareegistan oo Reuters ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan mgaalada, ayaa timid maalmo kaddib markii ciidamada Ereteriya dib looga riixay magaaladan. Iyadoo tallaabada Asmara ay xoojisay cabsida dagaal culus oo mar kale ka dhex qarxa labada dal.
Saddex qof oo deggan Adigrat ayaa Reuters u sheegay inay subaxdii saaka magaalada ku arkeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad xulafo la ah. Mid ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inuu arkay askar roondo ku jirta oo ay weheliyaan gaadiid millateri.
Reuters waxay sheegtay inaysan xaqiijin karin in ciidamada Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Adigrat, oo ku taalla meel 30 km (19 mayl) u jirta xuduudda Ereteriya. Milatariga Itoobiya ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan faahfaahinta la-wareegista magaaladan.
Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in ciidamada Ereteriya ay maalmihii u dambeeyay gudaha gobolka Tigray ee waqooyiga dalka u soo galeen masaafo gaareysa 60 kiiloomitir (37 mayl).
Ereteriya ayaa sheegtay in wararka ku saabsan in ciidamadeedu gudaha Itoobiya u soo galeen ay yihiin kuwo been ah, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshe ay Itoobiya doonayso inay dagaal gardarro ah ku marmarsiyootay.
