Ciidamada Uganda & maleeshiyada Gurguurte oo xalay lagu miray Shabeellaha hoose.

Thursday October 08, 2026 - 08:41:15
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay, xoogagga Al-Shabaab waxay koonfurta Soomaaliya ka fuliyeen weerarro culus oo ay ku beegsadeen ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Gobolka Shabeelada hoose, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo dagaalyannada Al-Shabaab ay ku mireen ciidamada Uganda.

Sida aanu xogta ku helnay, weerarkan ayay jihaadiyiintu si gaar ah ugu bartilmaameedsadeen xerada ciidamada Afrikaanta ee deggaanka Golweyn ee degmada Buulo Mareer.

Sidoo kale jihaadiyiintu waxay isla habeennimadii xalay weerareen saldhigga maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ee degmada Qoryooley.

Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences