Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Koonfur Afrika ku xoogeysatay beegsiga lagu hayo Soomaalida, waxaana dil iyo dhaawac loo gaystay dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku ganacsanaya.
Dhacdadii u dambeysay waxaa lasoo diiwaan-geliyay saacadihii lasoo dhaafay, laba qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaana lagu dhaawacay, ka dib markii kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah weerar ku qaadeen deegaan hoostaga magaalada Cape Town.
Deegaanka ay dhacadu ka dhacday waxaa lagu magacaabo Stellenbosch, wuxuu qiyaastii 50 Kmtr u jira magaalada Cape Town, waxay kooxdu halkaas si bareer ah ugu dhaawaceen dhalinyaradan Soomaaliyeed.
Faahfaahin intaas ka baxsan lama soo sheegin, wallow dableyda burcadda ah ee weerarka gaysatay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen.
Waxay dhacdadan daba socotay mid shan maalmood ka hor kooxo burcad hubeysan oo dhac ka geysanayay dukaan ganacsi oo Soomaali leedahay ay ku dleen ganacsade lagu magacaabi jiray Nuur Cali Cawlest oo ku magac dheeraa Nuur dheere, kaasi oo si weyn looga yaqiinay Koonfur Afrika.
Kooxdu waxay ganacsadahaasi ku dishay dukaan uu gurmad ugu tagay oo kuyaal bartamaha magalada Durban ee Koonfur Afrika, halkaas oo sidoo kale laga soo tebiyay dhimasho iyo dhaawaac kale.