Itoobiya oo xirtay safaaraddeedii Asmara isla markaana cayrisay diblomaasiyiin Erateriyaan ah.

Thursday October 01, 2026 - 19:22:41
MeMO Staff
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay albaabada u laabtay safaaraddeedii ku taallay caasimadda Eretariya ee Asmara. Isla markaana 10 diblomaasi oo Eritariyaan ah oo ku sugnaa Addis Ababa ku amartay in muddo 48 saac gudahood ah ay kaga baxaan dalka.
Bayaan ay Wasaaraddu soo saartay Khamiistii maanta ayay ku sheegtay in go’aannadani ay jawaab u yihiin waxa ay ku tilmaantay falal iyo tallaabooyin colaadeed oo dowladda Erateriya si toos ah iyo si dadbanba uga waddo Itoobiya.

Diblomaasiyiintan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen hawlo ay Itoobiya tilmaantay inay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka, isla markaana ay jebiyeen wax ay ku sheegtay heshiiska Vienna ee xiriirka dhinaca diblomaasiyadda.

Si kastaba, Itoobiya ma aysan faahfaahin hawlaha dhabta ah ee lagu qoonsaday diblomaasiyiintan, balse go’aankani wuxuu kusoo aadayaa xilli dagaalka waqooyigu uu sii xoogaystay, isla markaana habeennimadii xalay caasimadda Addis Ababa lagu soo weeraray diyaarado Drones ah, kuwaas oo qaraxyo ka geystay goobo ay ka mid tahay xarunta taliska ciidamada Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences