Saacado kadib markii uu madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump sheegay in uu maamulka Somaliland noqon karo dal madax banaan oo katirsan qaaradda Afrika ayay arrinkaas ka hadashay DFS.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa walaac looga muujiyay hadallada sii xoogeysanaya ee madaxada Mareykanka ay dabacsanaanta ugu muujinayaan maamulka isku magacaabay Somaliland.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay walaac xooggan ka muujinaysaa hadallo la sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ka jeediyey isusoo-bax ka dhacay gobolka Ohio 12-kii Oktoobar, kuwaas oo uu Soomaaliland ku tilmaamay dal ka gooni ah Soomaaliya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Khudabaddii uu Trump shalay jeediyay ayuu si aad ah ugu weeraray dowladda Federaalka wuxuuna muujiyay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad macno leh arrinkaas oo ka caraysiiyay Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa.
Markii uu Trump hadalkan jeediyay kadib ayay warbaahinta caalamka canaawiinta wararka ka dhigatay "Mareykanka oo Somaliland u muujiyay wax u eg aqoonsi".
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa hadal, tallaabo ama mowqif siyaasadeed kasta oo dhiirrigelin kara ama horseedi kara kala-qaybsanaanta iyo kala-daadashada Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa dowladda Maraykanka in ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay, islamarkaana ay ka fogaato tallaabo kasta oo wax u dhimaysa wadajirka dhuleed ee dalka ama faragelin ku ah arrimihiisa gudaha" ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay DF-ka oo umuuqday mid calaancal ah.
Tan iyo markii uu Cabdiraxmaan Cirro hoggaanka uqabtay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayey sii kordhaysay hadalheynta ku aadan aqoonsiga Somaliland waxaana durbadiina ictiraafay kiyaanka Sahyuuniga ah ee xoogga ku heysta dhulalka Falasdiin.
