Al-Kataab, xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada deggaanka Hees ee bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo maalinnimadii shalay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen kadib markii ay jebiyeen maleeshiyaadkii ku sugnaa,
Sawirrada ayaa waxa kasoo muuqanaya jihaadiyiinta oo garwaaxsan qaybaha kala duwan ee hubka isla markaana ku dhex roondaynaya gudaha deggaanka Hees. Talaabadaas oo dhabar-jab xooggan oo hor leh ku noqotay maleeshiyaadka Gugurute.
Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleshiyaadka Xasan Sheekh ayaa lagu dilay dagaalkaasi, halka jihaadiyiintu ay sidoo kale weerarkaasi kula wareegeen saanad millateri oo uu ka mid yahay qoriga loo yaqaan RPG-ga.
Waa maalintii labaad ee Raayada Towxiidku ay ka babanayso deggaanka Hees, halkaas oo kusoo biirtay deggaannada ballaaran ee Soomaaliya ee jihaadiyiintu ay kusoo dabbaaleen ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.
