Foreign Policy: Dagaalka Iran wuxuu Somaliland u noqon karaa fursad aqoonsi.

Thursday September 24, 2026 - 19:08:53
MeMO Staff
Majaladda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Maraykanka ee Foreign Policy ayaa warbixin uu qoray tifaftiraheedii hore Joshua Keating, ku falanqaysay sida dagaalka Iiraan iyo xiisadaha sii cakirmaya ee ka aloosan Badda Cas ay Somaliland ugu abuuri karaan fursad ay ku raadiso aqoonsi ama xiriir rasmi ah oo ay la yeelato dowladda Maraykanka.
Warbixintu waxay ugu horreyn xustay in deggaannada waqooyi galbeed Soomaaliya ay ku yaallaan meel istaraatiijiya oo aad ugu dhow mid ka mid ah goobaha colaadeed ee dunida sida weyn isha loogu hayo, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta dhaqaalaha caalamka.

Cirro wuxuu rajaynayaa in Maraykanku noqdo cidda Yahuudda labayn doonta ee aqoonsata Somaliland. Maadaama goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ee koonfurta Marinka Bab al-Mandab oo sii noqonaysa mid muhiim ah, ayaa hadda ka caawin karta Cirro inuu arrintaas ku qanciyo Maraykanka.

"Muddo dheer ayaan ku celcelinaynay in aaggan uu muhiimad weyn u leeyahay dunida, ganacsiga iyo amniga badda. Nasiib darro, marka laga hadlayo Badda Cas, dalalku way iska indhatiraan Somaliland, taas oo aan u arko khalad aad u weyn. Hadda aaggu wuxuu gaaray meel aad u xasaasi ah.” Ayuu Cirro u sheegay wariye Joshua Keating.

Cirro oo kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka, iyo sidoo kale Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Afrika, Frank Garcia, ayay fariintiisu ahayd in Somaliland ay noqon karto xulafo Maraykan ah oo ku taalla Badda Cas.

"Somaliland waxay Washington u soo bandhigaysaa xarun deggan oo dimuqraadi ah, halkaas oo aysan jirin ciidan shisheeye oo kale oo tartan kula jira Maraykanka,” ayuu Cirro ku sheegay khudbad uu 14-kii Sebtembar ka jeediyay machadka Hudson Institute.

Hadalkan ayay majaladdu xustay in Cirri uu si gaar ah ugu duur-xulaayay Jabuuti oo deris la ah Somaliland, taas oo ah dalka keliya ee dunida ay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo sida dalalka Shiinaha iyo Maraykanka.

Cirro wuxuu sidoo kale sheegay in dalkiisu uu suurtagal ahaan diyaar u yahay inuu dhulkiisa ku martigeliyo ciidamada Maraykanka ama Yahuudda, inkastoo warbixintu xustay in hadda aysan jirin qorshe cad oo muujinaya in ciidamo noocaas ah lagu soo dejinayo Somaliland.

Arbacadii hore, xildhibaan John Rose oo ka tirsan gobolka Tennessee, ayaa intii lagu guda jiray dhageysi uu Congress-ku la yeeshay Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent, ku cadaadiyay in Somaliland loo oggolaado inay hesho nidaamka isgaarsiinta maaliyadeed ee caalamiga ah ee SWIFT.

"Cirro wuxuu ii sheegay inuu rajo ka qabo in maamulka Maraykanku uu "dib u eegayo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya.” Ayuu yiri wariye Keating. Waxaanay warbixintu xustay in Maamulka Trump ay u muuqdaan in Somaliland u abuurayaan fursad gaar ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda.

Kuwa ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan Midowga Afrika (AU), waxay ku doodaan in aqoonsiga Somaliland uu abuuri karo tusaale khatar ah oo dhiirrigelin kara dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee qaaradda Afrika.

"Adiga iyo aniga labadeenuba waan ognahay in Madaxweyne Trump uusan dan weyn ka lahayn waxa Midowga Afrika uu ka qabo arrintan…” ayuu yiri Tibor Nagy, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika xilligii maamulkii hore ee Trump.

Markii la weydiiyay in wax ka beddel lagu sameynayo siyaasadda ku wajahan Somaliland uu miiska saaran yahay, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa wariye Keating u sheegay in weli Maraykanku aqoonsanyahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

"Maraykanku wuxuu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku jirto dhulka Somaliland. Iyadoo taas laga duulayo, waxaan la macaamilnaa mas’uuliyiinta Somaliland arrimaha labada dhinac danaha ka dhexeeyaan.” Ayuu yiri.

Cirro wuxuu carrabka ku dhuftay in rajo uu ka qabo in aqoonsi uu ka helo dalal kale, isagoo dhanka kalena soo jeediyay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ciidamo ku biiriso ciidan caalamiya oo la doonay in qayb ay ka noqdaan xasuuqqa iyo barakicinta Yahuuddu ka waddo Qaza.

Waxa kale oo Cirro uu yiri; "Waxaan soo dhoweyn lahayn ugu yaraan in Maraykanku Somaliland siiyo xaalad ka duwan tan Soomaaliya, gaar ahaan xaalad la mid ah tan Taiwan. Sidaas oo kale ayay Somaliland ula macaamili karaan.”

Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye ka tirsan International Crisis Group kuna takhasusay Geeska Afrika, ayaa sheegay in inkastoo dadaalka Somaliland ee ku aaddan aqoonsigu uu muddooyinkii dambe sii xoogeystay, haddana ilaa hadda aysan jiran cid kale oo sida Yahuudda u aqoonsata.

"Somaliland waxay heli kartaa 50 dal oo kale oo aqoonsada, laakiin haddii uu jiro khilaafkan qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, mar walba waxaa jiri doona xuduud ciidanaysan. Mar walbana waxaa jiri doona khatar ah in xaaladdu isu beddesho colaad cusub,” ayuu yiri.

Si kastaba, weli lama oga in muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland ka heshay xaaladda Badda Cas, xiriirka ay la yeelatay Yahuudda iyo Taiwan, iyo siyaasadda Maraykanka ee hadda jirtaa ay ku filnaan doonaan inay Somaliland ka caawiyaan ku kasbashada aqoonsi caalami ah.

Related Items

Update cookies preferences