Wararku waxay sheegayaan hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobollada Banaadir iyo Shabeellaha hoose.
Gobolka Shabeellada hoose, waxaa ka dhacay hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha degamad Afgooye.
Qaraxan oo lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyey qaraxaasi waxaa ku nafwaayey ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, halka 1 askari oo kalena uu dhaawacmay.
Gobolka Banaadir, waxaa isna ka dhacay hawl-gal qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.
Qaraxan oo lala beegsaday goob ay fadhiyeen askarta Xasan Sheekh ayaa geystay dhaawaca ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi, kaas oo lugto ay go’day.
Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
