Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee ka dagaallanta saaxilka iyo saxaraha Afrika ayaa weerar culus oo ay ka fulisay dalka Mali khasaare culus ku gaarsiisay ciidamo huwan ah oo isugu jira murtazqada Ruushka iyo sidoo kale maleeshiyaad taabacsan ciidanka Mali.
Sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Az-zallaaqah oo ah maktabka warfaafinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin, ugu yaraan 13 askari oo isugu jira ciidamada Ruushka iyo maleeshiyaadka Mali ayaa lagu dilay weerar dhabbo-gal ah oo ka dhacay gobolka Mopti.
Ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Ruushka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa la beegsaday xilli ay si wada-jir ah ugu roondaynayeen meel u dhow tuullo lagu magacaabo Kaka oo ka tirasn gobolka Mopti ee bartamaha dalka Mali.
Weerarkan oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay ee 7-dii bishan aynu ku jirno ee September, ayaa sida bayaanka lagu xaqiijiyey jihaadiyiintu ay kusoo furteen 14 mooto, 2 qori PKM ah, 6 qori AK47 ah, 6 bam-gacmeed iyo tiro rasaas ah, iyadoo sidoo kalena isla goobta ay ku burburiyeen 4 mooto oo kale.
Sawirro uu baahiyey maktabka warfaafinta Az-zallaaqah ayaa lagu soo bandhigay maydadka ciidamada Ruushka oo bilqan goobtii lagu galay ee dagaalkuk uu ka dhacay iyo sidoo kale qaybo ka mid ah saanaddii millateri ee jihaadiyiintu ay kasoo furteen.
RFI oo ah idaacad caalamiya oo laga leeyahay waddanka Faransiiska ayaa iyaduna saacadihii lasoo dhaafay tebinaysay khasaaraha culus ee jihaadiyiintu ay gaarsiiyeen ciidamada Ruushka iyo maleeshiyaadka kaba-qaadka u ah ee maamulka daba-dhilifka Mali.
Maalintan uu weerarku dhacay maalintii ka horreysay ciidamada huwanta ee ay hoggaaminayaan murtazaqada Ruushku, waxay diyaarado Drones ah ku duqeeyeen shacab ku nool deggaan lagu magacaabo Bourkouma oo ku dhow isla aagga uu kamiinkani ka dhacay, sida ay sheegtay idaacadda RFI.
Khasaare kala duwan ayaa dadka rayidka ah kasoo gaaray duqayntaasi, waxaana ka mida oo ku dhintay hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ilo maxalli ah ay u xaqiijiyeen warbaahinta.
Idaacadda RFI ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ilahaasi ay aaminsan yihiin in weerarkan kamiinka ah ee ka dhacay Kaka, khasaraha culus-na lagu gaarsiiyey ciidamada ruushka iyo maleeshiyaadka Mali, uu ahaa tallaabo ay jihaadiyiintu ugu aargudayeen dadka shacabka ah ee la laayay.
FG: Qaybaha kale ee sawirrada waxaad kaga bogon kartaa telegramkan:
