Daad xooggan oo kedis ah ayaa maanta ku dhuftay waqooyiga waddanka Nepal, gaar ahaan meel u dhow xadka Tibet ee dhulka Shiinaha, waxaana tirada horu-dhaca ah ee la xaqiijiyey ku dhintay ugu yaraan 22 qof, halka boqolaal kale la la'yahay.
Dadka ilaa hadda la la’yahay ee aan lahayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen waxaa ka mid ah 384 dalxiise, kuwaas oo 291 ka mid ah ay yihiin ajaanib ka kala yimid dalal ay ku jiraan Ingiriiska, Maraykanka, Hindiya iyo Malaysiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan, daadkani wuxuu qaaday tuulooyin dhan, guryo, waddooyin, buundooyin iyo xarumo koronto, gaar ahaan deegaanka Rasuwa, halkaas oo biyuhu aad u xoog badnaayeen, diyaaradaha qummaatiga u kacana ay ku adkaatay inay ku degaan.
Sidoo kale, dhulka Tibet oo ku yaalla koonfufta galbeed ee Shiinaha, waxaa laga soo sheegay khasaare weyn iyo dad la la’yahay kadib dhul-go’ ka dhacay meel u dhow marinka xadka Nepal iyo Shiinaha. Dhul-go’an ayaa jaray waddooyinka, isgaarsiinta iyo korontada.
Dowladda Nepal ayaa billowday howlgallo gurmad iyo qiimeynta khasaaraha ah, iyadoo dirtay diyaarado helicopter ah iyo kooxo gurmad ah. Khasaaraha korontada ayaa lagu qiyaasay in uu saameeyay ku dhowaad 430 megawatt oo awood wax-soo-saar ah.
Waxaa sidoo kale goor dambe oo maanta ah lasoo sheegay in 8 qof oo shaqaale Kuuriyada Koonfureed ah iyagana lagu la’yahay fatahaadan, halka 10 kalena ay ku xanniban yihiin goobaha mashaariicda korontada laga dhaliyo.
Khubarada ku takhasusay arrimaha cimilada iyo musiibooyinka ayaa ka digay in daadadka iyo fatahaadaha noocan ah ay kusii kordhaan Koonfurta Aasiya, halka roobabka da’a bilaha Juun ilaa Sebtembar looga bartay in goor walba ay keenaan fatahaado iyo dhul-go’ halis ah.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
