MAQAAL: Mahadnaq & bogaadin ku socda reer Rabdhuure iyo Labaatan Jirow.

Sunday July 19, 2026 - 11:25:34
MeMO Staff
MAHADNAQ IYO BOGAADIN ANSAARTA RABDHOORRE IYO LABAATAN JIROW KADIB DHAGEYSIGII BARNAAMIJKII FAAFREEBKA.
Kani waa maqaal hambalyo, mahadnaq, iyo sharaf ah oo aan ugu mahadcelinayo magaalooyin noqday gabaadka iyo garabka halganka; magaalooyinkan oo dhabarka ku qaaday loolanka adag ee ka aloosan Bariga fog ee qaaradda Afrika, una dhexeeya xaqqa iyo baadilka. Kuwaas oo hurey wax kasta oo ay ku dhaadanayeen mood iyo noolba (dad iyo xoolaba).

Waxaa jira magaalooyin taariikhda ku gala dhismahooda qurxoon iyo ganacsiga, taa lidkeedana waxaa jira magaalooyin naadir ah oo taariikhda ku gala go’aanadooda geesinnimo, dhiigga ku daata waddooyinkooda, iyo siday u noqdaan cudud garabka iyo gaashaanka u ah ummadda marka ay ku jirto maalinta ugu adag.

Magaalooyinkani ma ahan oo keliya dhagax iyo ciid la weegaarsaday, ee waa astaan nool oo ka turjumaysa gobanimada, samirka, iyo dhiirraan aan marnaba jabin. 

Markii uu halganku qadhaadhaaday, ee jidku cidhiidhi noqday, magaaladani waxay noqotay hoygii farda-fuulada Islaamka, golihii gaashaandhigga, iyo isha laga shido (daaro) iftiinka guusha iyo cizziga Islaamka.

Waxaad hurteen naf iyo maal, waxaad hurteen muruq iyo maskaxba, waxaad hiil iyo hoy u nooqoteen muhaajiriin iyo mustadcafiinba. Maqaamka ay magaalooyinkani naga mudan yihiin iyo waajibaadka ay nagu leeyihiin maahan mid uu qalinku gudi karo.

Waxaad safka hore geyseen dhalinyaradiinii, waxgaradkiinii, geesiyaashiinii, iyo cuqaashiinii, kuwaas oo naftooda u sadqeeyey sare u qaadida Towhiidka iyo soo muuqashada raayada cizziga. 

Kumaydaan koobnaan intaas oo kaliya, balse waxaad albaabada u furteen hantidii, cududda maalkiinnana waxaad u hibeeyeen joogteynta halganka shareecada iyo boqno-goynta gumeystaha. Waxaad tusaale u tihiin samir iyo dhabar-adayg. 

Dhibaatooyinkii iyo duufaanadii adkaa ee idin soo maray idin may dumin, mana daciifinin go'aankiinii, balse waxaad ka dhaxasheen gobanimo ka dhex dhalaalaysa mugdiyada gumeystuhu la maaganaa ummadeena, waxaana korkiina ku dhaboobay ballanqaadka Allah: «وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ»

HADABA MAXAAD NOOGA DHIGANTIHIIN?

Rabdhuurre iyo Labatan Jirow nooma tihiin kaliya goob juqraafi, waxaad tihiin astaan cizziga iyo sharafta, xudunta jihaadka iyo xarunta geesinnimada, waxaad xassuus joogto ah u tihiin gobanimada shareeca-doonka.

Waxaa xusid mudan doorka widhwidhaya ee haweenkiinu ku leeyihiin inay safka hore keenaan awlaadooda iyo foolaadkooda, waxaan leenahay:

Gabdhaha iyo marwada heeganka ah, Gaar kuma tihiin hawsha iyo goonidii nin qudhee.

Gumeystaha intii diidan baad gacal wadaagtaane,

Salaan gaara, gacmo furan, gogol idiin taal iyo guusha oo dhow.

Haddaan goorna laga seexan, Galabtaa ninkii joogay iyo guryogalaylkiisa.

YAAD WAX LA WADAAGTAAN?

•Ansaartii Aws iyo Khazraj: Siday dhidibada ugu taageen dawladii Maxammad (CSW).

•Banii Asad iyo Qatabaan (Qeys): Kaalintii ay ka geysteen dagaaladii Ridada ilaa furashadii Ciraaq iyo Shaam.

•Banuu Tamiim: Kaalintey ku lahaayeen furashadii Ciraaq iyo Faaris.

•Banii Azd: Halgankii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen furashadii Shaam, Masar, iyo Yarmuuk.

•Lakhmi iyo Judaam: Doorkii ay ku lahaayeen furashadii Koonfurta Shaam, Falastiin ilaa Urdun.

•Banii Caamir: Cahdigii Dawladdii Cabbaasiyiinta, halgankii Banuu Caamir Bin Sacsaca ay ku lahaayeen furashadii Afrika iyo Andalus.

•Qabiilada Baahiliyiinta: Kaalintoodii furashada Khuraasaan.

•Qabiilada Bishtuuga (Pashtun): Ee dega Afgaanistaan, siday dhulka sanka ugu jiideen qab-weynidii Fircoonka casrigaan ee Ameerika.

Waxaad abaal ku leedihiin Muslimiinta oo dhan, dhabnimada iimaankiinana waxaad ku duugteen laabahaheenna. Maxabbadiinuna waxay calaamad u tahay iimaanka, sida laga wariyey Suubanaha (CSW). 

Alle waxaan ka rajaynaynaa inaanan ku gabood-falin kaalintiinna, aannana gudanno doorkiinna. Waxaad noo taagantihiin halkuu idin geeyey Rasuulku (CSW): «الْمَحْيَا مَحْيَاكُمْ، وَالْمَمَاتُ مَمَاتُكُمْ» "Noloshu waa noloshiinna, dhimashaduna waa dhimashadiinna."

Waxaan idinku ducaynaynaa ducadii Muxammad (CSW) uu idinku duceeyey: «اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِلأَنْصَارِ، وَلِأَبْنَاءِ الأَنْصَارِ، وَلِأَبْنَاءِ أَبْنَاءِ الأَنْصَارِ» "Alloow u dambi dhaaf Ansaarta, iyo carruurta Ansaarta, iyo carruurta carruurtooda Ansaarta."

Waxaanan u dardaarmayaa Muslimiinta caalamka guud ahaan, gaar ahaanna Muslimiinta Bariga Afrika dardaarankii Suubanaha (CSW): «أُوصِيكُمْ بِالأَنْصَارِ، فَإِنَّهُمْ كَرِشِي وَعَيْبَتِي، وَإِنَّهُمْ قَدْ قَضَوُا الَّذِي عَلَيْهِمْ، وَبَقِيَ الَّذِي لَهُمْ، فَاقْبَلُوا مِنْ مُحْسِنِهِمْ، وَتَجَاوَزُوا عَنْ مُسِيئِهِمْ» "Waxaan idiin dardaarmayaa Ansaarta, waayo iyagu waa guryahaygii (kuwii aan u magangalyey) iyo sanduuqaygii sirtaba (dadkii iigu kalsoonida badnaa). 

Iyagu way guteen waajibaadkii saarnaa, waxaana u dhiman xuquuqdoodii (tii ay mudnaayeen). Sidaa darteed, ka aqbala qofka wanaagsan ee ka mid ah, qofka xumaana ka cafiya."

W/Q: Hidaaya Sheekh

Related Items

Update cookies preferences