Wargeyska Caalamiga ah ee fadhigiisu yahay Ingiriiska ee The Guardian ayaa warbixin dheera ka qoray duqeyn bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay dabayaaqada sanadkii tagay ee 2025 ka geysteen magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Duqayntan oo wargeysku si faahfaahsan uga warramay ayaa dhacday 15-ka bishii Nofeembar ee 2025, waxaanu qiray in Maraykanku uu weerarkaasi ku laayay ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxa la dilay iyagoo dugisga kasoo laabanaya: Maxay carruurta Soomaaliyeed u noqdeen bartilmaameedka duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka? Ayuu wargeysku cinwaan uga dhigay warbixintiisa, waxaanu ku bilaabay sidan:
"Waxay fadhiyeen quraac markii daryanka la maqlay. Qaar ayaa hakiyay cunista digirta sida tartiibta ah loo kariyay ee cambuulada, iyagoo ka naxay sawaxanka dheer ee codka sare leh. Kuwo kalena waxay wajiyadooda ku dhejiyeen daaqadaha, iyagoo cirka eegaya.
Beeraley ku sugnayd beeraha galleyda ee u dhow ayaa daawanayay walxo dul-wareegayay Jamaame, oo ah magaalo ku taalla koonfurta Soomaaliya. Wax yar kadib 9-kii subaxnimo ee 15-kii Nofeembar 2025, Jamaame waxaa gilgilay qaraxyo isdaba-joog ah.
Guriga Cabdullaahi Maxamed Abow Sheekh Cali, oo maalintaas ku maqnaa daryeelka beerihiisa, ayaa ka mid ahaa guryihii la burburiyay. Maxamed oo ah ninka guriga iska leh aabbihii, ayaa ku cararay goobta burburka, waxaanu isagoo ka hadlaya wixii uu arkay uu yiri:
"Dharka iyo buugaagta ayaa dhulka ku daadsanaa, laakiin ma aanan awoodin inaan diiradda saaro. Waxaan ku jiray naxdin, anigoo dul-taagan meydadka carruurta aan awoowga u ahaa. Waxay ahaayeen kuwo uu jirkoodu aad u googo'ay.”
Isagoo ku dhex-jira qashin-qubka isla markaana fadhanaya, ayuu Maxamed helay meydka Safiyo Xasan Abuukar, oo ahayd gabadha uu soddogga u yahay, taas oo lahayd uur aad u weyn.
Agteeda waxaa yaallay haraaga meydka Cabdifataax, oo ahaa cunuggeedii curdaad. Ma ahayn wax lala yaabo in 10-jirkaas laga helay meel aad u dhow hooyadiis.
"Cabdifataax waligiis kama fogaan jirin dhinaceeda, mar walbana wuxuu ka caawin jiray hawlaha guriga. Inta uu ag-joogana, cid kale uma baahan jirin,” ayuu yiri Maxamed.
Cabdinaasir oo toddoba jir ahaa ayaa isna meydkiisu yaallay meel u dhow. Cabdinaasir aad ayuu u jeclaa awoowgiis. "Mar walba wuxuu iga codsan jiray inaan u duceeyo si uu Qur’aanka u xafido. Mararka qaarkood waxaan ugu yeeri jiray ‘duco-qabe’ wuuna dhoolla-caddeyn jiray.”
Meydadka laba wiil oo walaalo ahaa oo kale oo la kala odhan jiray Xuseen oo lix jir ahaa iyo Cabdiraxmaan oo afar jir ahaa ayaa sidoo kale laga dhex helay burburka.
Qoyska waxaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya. Sida ay sheegtay baaritaan ay samaysay jariidadda The Guardian, ugu yaraan 12 rayid ah, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah, ayaa ku dhintay weerarkaas.”
Tani waa hawlgalkii ugu dhimashada badnaa ee dad rayid ah ay ku dhintaan oo Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya intii ay jireen maamulladii Trump. Maraykanku kuma dilin dad rayid ah oo intaas le’eg hal dhacdo gudaheed gudaha dalkan ku yaal bariga Afrika muddo 18 sano ah.
Tiradii ugu badnayd ee hore loo xaqiijiyay waxay ahayd hawlgalkii dhiigga badan ku daatay ee fashilmay ee ciidamada Maraykanku ka fuliyeen caasimadda Muqdisho, kaas oo loo yaqaanay dhacdadii Black Hawk Down ee 1993.
In kasta oo baaxadda khasaaruhu weyn yahay, haddana uma muuqato in wax baaritaan ah lagu sameeyay weerarkii Jamaame ee dhacay lix bilood ka hor. Ma jiro qof lagula xisaabtamay dhimashadan. Maraykanku wuxuu diiday inuu qirto in xitaa hal qof oo rayid ah uu magaaladaas ku dhintay maalintaas.
Iyadoo la adeegsanayo sawirro, muuqaallo, iyo raajada dhaawacyada firirka ee carruurta, oo ay weheliso markhaatiyada dadkii goob-joogga ahaa, The Guardian waxay isku dubbariday warbixintii ugu horraysay oo faahfaahsan oo ku saabsan xasuuqaas.
"Dhammaan carruurtaydu dhulka ayay ku daadsanaayeen iyagoo dhiiggu uu qariyay. Markii aan isku dayay inaan daryeelo, madaafiic ayaa kusoo hoobatay goobta” ayay tiri Maryan Xaaji Cabdi Guuleed.
Dilalkan ayaa dhalinaya su'aalo aan ku koobnayn oo keliya sirdoonka Maraykanka, balse sidoo kale ku saabsan hawlgalka sii xoogaysanaya ee Washington ka waddo Geeska Afrika.
Boqolaal weerar oo duqaymo ah ayaa la fuliyay intii uu jiray maamulka Trump, kaas oo wada dagaal qarsoodi ah oo sharci ahaan mugdi ku jiro, kaas oo aan lahayn isla-xisaabtan muuqda oo ku saabsan dhimashada rayidka.
Yaa ansixiyay weerarka lagu qaaday xaafad qoysas badan deggan yihiin? Maxaa loo qaaday, yuu-se ahaa bartilmaameedka la doonayay, haddiiba uu jiray? Markhaatiyada ayaa tilmaamaya inay u badan tahay in kooxaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay ogaayeen in carruur ay goobtaasi ku sugnaayeen.
Si guud, dhacdada Jamaame waxay u baahan tahay baaritaan ku saabsan sida milatariga Maraykanku u qiimeeyo nolosha dadka caadiga ah ee Soomaalida ah. Donald Trump ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Soomaalida, isagoo ku tilmaamay doqomo, garaadkoodu hooseeyo oo dalkooduna yahay wax laga yaqyaqsoodo.
Ma suuragal baa in quudhsiga madaxweynuhu, uu saraakiishiisa sare ee ciidanka tusay inay ka baxsan karaan mas’uuliyadda dilka rayidka?
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa usoo dhowaaday. Wax yar ka hor, waxay u badan tahay inay ka duuleen xerada Camp Simba, oo ah saldhig milatari oo koonfurta xeebta Kenya ku yaal.
Marka laga eego meesha sare ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Soomaaliya waxay u muuqan lahayd mid cajiib ah: xeebaha ballaaran ee aan la taaban ee ciidda cad ee ay hareereeyaan hirarka badda.
Shan mayl (8km) oo meel u jirta xeebta, kuna taalla qalooc ka mid ah webiga Jubba, waxaa ku dhacda magaalada Jamaame.
Muuqaal toos ah oo dhaqdhaqaaq buuxa ah looguna yeero muuqaallada tooska ah ee laga helo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa si faahfaahsan ugu gudbinayay nolosha Jamaame koox duuliyeyaal iyo falanqeeyayaal ah.
"Waxaad akhrin kartaa taarikada gaadiidka,” ayuu yiri Brett Velicovich, oo hore u ahaa falanqeeye sirdoon oo ka tirsanaa hawlgallada gaarka ah ee ciidanka Maraykanka.
Jamaame gudaheeda, dadku waxay arkeen diyaaradaha dushooda maraya. Inkastoo Maraykanku uusan faahfaahin ka bixin hubkii loo adeegsaday weerarka, balse waxay u badan tahay inay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper oo ku hubaysan gantaalada Hellfire.
Xaafadda burburka, Maryan Xaaji Cabdi Guuleed waxay xasuusataa albaabka gurigeeda oo furmay si ay u aragto saddexdeeda carruur ah oo dhoola cadeynaya, oo ka soo laabanaya dugsiga Qur'aanka.
Laakiin Maryan waxay dareentay welwel, iyadoo ka naxday dhawaqa aadka u xooggan ee dusha sare ka yeeraya. Gurigeeda ayaa ruxmay, carruurtuna dibadda ayay u ordeen si ay u eegaan waxa dhacay.
Si lama-filaan ah, gantaal kale ayaa cirka ka soo dhacay, Maryan-na dibadda ayay u carartay. Waxaanay iyadoo arrintan ka hadlaysa tiri:
"Dhammaan carruurtaydii waxay wadhnaayeen dhulka iyagoo dhiiggu uu qariyay. Markii aan isku dayay inaan u gurmado, madaafiic ayaa meel walba kusoo hoobatay. Jiho kasta oo aad u jeesato, waxaa sida dhibica roobka ugu daadanaysay madaafiic iyo gantaallo.”
Meel u dhow, Maryan gabadha uurka leh ee Nuur Buruuji soddoga u ahaa ayaa carartay dhanka dugisga Qur’aanka si ay gabbaad uga dhigato, iyadoo ilmaheeda laba-jirka ah dhabarka ku sidata.
Qiyaastii 9:30 subaxnimo, markhaatiyaal ayaa sheegay in laba gantaal ay ku dhaceen dugsiga. Gabadha uu soddogga u ahaa Buruuji waa ay dhimatay. Ilmihii yaraa, oo weli sidii ugu dheggenaa hooyadii oo mayd ah, ayaa si mucjiso ah u badbaaday.
"Waxaan arkay meydadka carruurtayda. Midkood gacantiisa bidix ayaa go’nayd. Midka kalena firir ayaa dhabarka kaga dhacay” ayuu yiri Geedow Ibraahim, oo beeraley ah.
Intii lagu jiray jahawareerka, Maxamed Xassan Cabdulle wuxuu u cararay guriga saaxiibkiis si uu uga soo qaato mooto uu qoyskiisa kaga daadgureeyo khatarta.
"Wuxuu ii sheegay inuu marka hore qoyskiisa ka saari doono meesha kadibna uu usoo noqon doono qoyskayga,” ayuu yiri mid ka mida dadka dariskiisa ah.
Laakiin Maxamed Xassan Cabdulle aad ayuu u daahay. Gurigiisu waa uu burburay dhulka ayaana lala simay. Burburka hoostiisa waxaa ku jiray meydadka xaaskiisa 26 jirka ahayd, oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Xassan Nuur, iyo gabadhiisa Layla Maxamed Xassan oo jirtay jirtay 10 bilood.
Wuxuu istaagay agagaarka gurigiisii burburay iyadoo xaafaddii oo dhan dab qabsaday. "Xitaa ma aanan helin cid iga caawisa qaadista meydadka xaaskayga iyo gabadhayda,” ayuu yiri.
Duleedka Jamaame, Geedow Ibraahim wuxuu ku mashquulsanaa beerihiisa sisinta markii uu helay wicitaan uu aad uga argagaxay oo uga yimid xaaskiisa, Nuurto Xuseen Abuukar oo da’deedu ahayd 30 jir.
"Cabsi badan ayaa magaalada ka jirtay sababtoo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa hawada dul heehaabayay. Waxaan u sheegay inay guriga ku sugnaato.” Ayuu yiri Geedow.
Qiyaastii 10-kii subaxnimo ayuu helay wicitaan kale, markan qof deriska ah ayaa ugu baaqay inuu si degdeg ah guriga ugu soo laabto, kaas oo gebi ahaanba burburay.
Burburka dhexdiisa waxa iyagoo meyd ah laga helay gabdhihiisa Maryan, oo sagaal jir ahayd, iyo Farxiyo, oo toddoba jir ahayd.
"Waxaan arkay meydadka carruurtayda. Midkood gacantiisa bidix ayaa go’nayd. Midka kalena firir ayaa dhabarka kaga dhacay oo xabadka kasoo baxay.” Ayuu yiri Geedow.
Gabadhiisa Aamina, oo siddeed jir ahayd, waxaa ku dhacay firir badan, biro jajaban ayaana ka galay garabka, bowdada, miskaha iyo lugta hoose.
Sidoo kale waxaa beertiisa looga yeeray Cabdullaahi Maxamed Abow Sheekh Cali, oo ah beeraley iyo awowgii Maxamed. Isaguna wuxuu la kulmay muuqaalka burbur aad u xun ah wuxuuna ogaaday in qoyskiisii la gumaaday.
Cabdullaahi, oo u-qaadan-waa ay ku noqotay dhimashada xaaskiisa iyo afartiisa carruur ah, ayaa isla markiiba waxaa lasoo deristay naxdin aad u xooggan. "Weligiis sidan oo kale ma noqon,” ayuu yidhi Maxamed.
Dad kale ayaa sidoo kale duqayntaasi ku dhintay, oo uu ku jiray imaam si weyn looga qaddarin jiray magaalada Jamaame.
Inkastoo ay adag tahay in si sax ah loo xaqiijiyo sidii ay iskugu xig-xigeen weerarradu, markhaatiyaashu waxay tirinayeen ugu yaraan 15 qarax. Maxamed wuxuu sheegay in ugu yaraan 18 guri la burburiyay. Dugsigii wuxuu isu beddelay kharaabad. Maryan Xaaji Cabdi Guuleed waxay tirisay sagaal gantaal oo ku dhacay guriga la burburiyey oo kaliya.
Cabdullahi oo aad uga naxsan, isla markaana aan garan karin khasaaraha soo gaaray, ayaa si cad u sheegay cidda mas’uulka ka ah dhibaatadan, waxaanu yiri "Maraykanka ayaa na duqeeyay, carruur, haween iyo waayeel ayaana la duqeeyay, wax ay ka reebeenna ma jirto.”
Markii Trump uu bilaabay muddo-xileedkiisa labaad, falanqeeyayaashu waxay is weydiiyeen sida Soomaaliya ay ugu habboonaan doonto siyaasaddiisa dibadda. Safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee bishii Febraayo 2025, xoghayaha difaaca ee Trump, Pete Hegseth, ayaa Jarmalka kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom).
Waxa aan lagu darin war-saxaafadeedka ayaa ahaa in Hegseth uu saxiixay amar beddelaya siyaasad saameyn weyn ku yeelan doonta qoysaska Jamaame, sagaal bilood kadib.
Xeerarkii ilaalinta ee xaddidayay weerarrada diyaaradaha drone-ka waa la laalay. Xayiraadihii uu soo rogay maamulka Biden oo u baahnaa oggolaanshaha Aqalka Cad si loo fuliyo weerarro Soomaaliya ka dhaca iyagana waa la burburiyey.
Hadda, jeneraalada Africom waxay si madaxbannaan u go’aansan karaan inay fuliyaan weerar. "Waxay heleen oggolaansho hawlgallo degdeg ah oo leh kormeer aad u yar,” ayuu yiri Jethro Norman oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark (DIIS).
Xeerarkii dabacsanaa ee isticmaalka xoogga waxay keeneen koror weyn oo hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya. ACLED, oo la socota dagaallada caalamka, waxay diiwaangelisay 123 duqeyn Mareykan ah sannadkii hore – taas oo ka badan lix jeer sannadkii ka horreeyay, isla markaana laba jibbaaraysa rikoodhkii hore ee 2019.
Sannadkan xawaaruhu wuxuu u kordhay heerar aan horay loo arag: bishii Abriil, 49 weerar ayaa la diiwaangeliyay iyadoo celcelis ahaan ay ka dhigan tahay in ku dhawaad maalin walba duqayntu dhacdo.
Laakiin maxaa sababay weerarka Jamaame?
Milatariga Maraykanku waligood ma diidin ku lug-lahaanshahooda weerarada. Maalintii ku xigtay, bayaan ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay inay duqeymo ka fuliyeen aaggaas 15-kii Noofambar.
Iyagoo tixraacaya dhaqdhaqaaqa kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab, waxay sheegeen in Jamaame loo weeraray si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab.
Inkastoo Jamaame ay ku taallo dhul ay si guud u maamusho Al-Shabaab, dhammaan dadka markhaatiga ah ee lala hadlay ayaa sheegay in aysan kooxdu joogin magaalada. Xitaa waxay sheegeen in aanay waligood soo gelin, oo ay ku dhuumaaleysan jireen miyiga.
"Al-Shabaab ma joogin magaalada. Waxaa joogay haween, carruur iyo waayeel. Kahor duqeynta xaaladdu waxay ahayd mid deggan,” ayay tiri Maryan Xaaji Cabdi Guled.
Buruuji ayaa ku daray: "Kuwa kaliya ee halkan jooga waa xoolo dhaqato iyo beeraley.”
Xogtan waxay dhalinaysaa su’aalo ku saabsan sirdoonka Mareykanka: yaa la rabay in la dilo, iyo sida uu u faahfaahsanaa qorshaha bartilmaameedka?
Diyaaradaha drone-ku waxay awood u leeyihiin in si sax ah loo beegsado shakhsiyaad la aqoonsaday.
Markii uu fulinayay duqeymihiisa Soomaaliya, Velicovich wuxuu si taxaddar leh u daraaseyn jiray bartilmaameedkiisa, wuxuu si joogto ah ula socon jiray cidda uu la kulmo, goorta iyo meesha uu tago, mararka qaarna maalmo ayuu shaqeynayay isagoo aan seexan.
Si kastaba, dadka ku dhintay Jamaame badankood waxay ahaayeen carruur iyo hooyooyinkood. Dugsi Qur’aan ay carruur ku sugnaayeen ayaa la garaacay iyo sidoo kale guryo qoysas, kuwaas oo halkaas deganaa muddo tobanaan sano ah.
Maryan Xaaji Cabdi Guuleed, waxay hal guri ku noolayd 42 sano ilaa uu burburay. Ma muuqan sabab cad oo gurigeeda loo beegsado.
Jethro Norman ayaa sheegay in mararka qaar duqeymaha si degdeg ah loo oggolaado, xitaa iyadoo la waco saraakiisha Soomaaliya oo hal saac ka hor lagu yiraahdo: "waan duqeynaynaa bartilmaameedkan, fadlan saxiix waraaqdan.”
Aragti kale ayaa ah in xogta Jamaame si ula kac ah loo marin-habaabiyay. Saraakiisha Mareykanka waxay u nugul yihiin in la siiyo xog khaldan, sida uu sheegay Norman.
"Mareykanku si dhab ah uma laha faham waxa ka socda heerka aadka u hooseeya ee deegaanka. Aad bay u fududahay in qaar ka mid ah Soomaalida ay ku beegsadaan colaado qabiil ama siyaasadeed iyagoo gudbinaya xog been ah,” ayuu yiri.
Inkasta oo ay jiraan khaladaad xagga sirdoonka ah, hawl-wadeennada diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka waxay si toos ah u arki karaan wax kasta oo dhulka ka socda waqtiga dhabta ah.
Drones-ka Mareykanka waxay leeyihiin kamarado tayo sare leh oo si toos ah u muujinaya waxa dhulka ka dhacaya, taas oo caadi ahaan ka caawisa kala saarista dadka rayidka ah iyo kuwa dagaallamaya.
Carruur ayaa bannaanka joogay Jamaame, taas oo ahayd in ay joojiso hawlgalka. Labada wiil ee Maryan Xaaji Cabdi Guuleed oo 16 iyo 7 jir ahaa iyo gabadheeda oo 14 jir ah ayaa jidka ku sugnaa markii weerarku billowday.
"Lacag badan ayaa lagu bixiyaa kaamarooyin iyo xog si loo xaqiijiyo in qofka la beegsanayo, qayb ka mid ah taas waa saxnaanta iyo inaan khaladaad la samayn," ayuu yiri Velicovich.
Ka dib markii carruurta la dilay, gantaalada ayaa la sheegay inay kusii dhacayeen guryaha ku dhow. Wasaaradda Difaaca Mareykanka ma aysan faahfaahin sababta loo sii waday duqeynta.
Xitaa iyadoo xeerarka hadda la fududeeyay, saraakiisha Mareykanka waa inay xaqiijiyaan badbaadada dadka rayidka ah ee aan ku lug lahayn dagaalka.
Waxaa laga yaabaa in weerarku ku salaysnaa "signature strike” oo ah qaab dhaqdhaqaaq oo u muuqda mid shaki leh oo dadka ka dhiga bartilmaameed.
"Laakiin waxaad si dhab ah u dilaysaa dad adigoon xaqiijin cidda ay yihiin,” ayuu yiri Norman, kuwa lagu dilay Jamaame-na aad bay uga fogayeen inay u ekaadaan dagaalyahanno.
Duqeymuhu waxay noqonayaan xitaa kuwo aad u jahwareer badan marka la eego joogga ama dhererka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Markhaatiyaal ayaa tilmaamay in guuxa matooradu uu aad u xoogganaa, taas oo muujinaysa inay ahaayeen kuwo ku socda joog hooseeya.
Velicovich wuxuu xaqiijiyay in mar kasta oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn joog hoose ku duulaan, ay sawiradooda tooska ah si cad oo nadiif ah u muuqdaan.
"Kordhinta hadallada Trump waxay si dadban u siinaysaa oggolaansho aan toos ahayn oo ay taliyayaasha militari ku dareemaan in Soomaalida la dulleeyay oo aan loo tixgelin bani’aadam.” Ayuu yiri Jethro Norman.
Haddaba, yay ahaayeen dadka falanqeynayay sawirrada? Intee ayay le'eg tahay khibradda kooxda fulinaysay weerarka drones-ka? Ma ka soo shaqeeyeen Soomaaliya si ay u fahmaan waxa ay arkeen? Mareykanku ma uusan ka jawaabin.
Qaar waxay tuhmayaan in duqeyntu muujinayso wax ka qoto dheer khalad sirdoon, kuna soo noqoneysa nacaybka madaxweynaha Mareykanka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu ku tilmaamay Soomaaliya dal gebi ahaan burburay oo dambiyadu ay camimeen.
17 maalmood kadib dilalkii Jamaame, madaxweynuhu wuxuu si adag u cambaareeyay Soomaalida Mareykanka ku nool oo uu sheegay inaysan u qalmin deganaansho Mareykan.
Bishii Maarso, iyadoo duqeymuhu sii kordhayaan, Trump wuxuu Soomaalida ku tilmaamay dad garaadkoodu hooseeya oo ka yimid dal musuqmaasuq ah.
Norman wuxuu sheegay in dareenka ka dhanka ah Soomaalida ee Trump uu yahay mid la dareemi karo marka la eego dhimashada dadka rayidka ah.
"Kordhinta hadaladan, habka uu u faafiyay Trump laftiisa, waxay siinaysaa ogolaansho dadban oo taliyayaasha militarigu ku dareemaan in Soomaalida la dulleeyay. Waxaana loo dirayaa fariin ah: ‘Hore u soco, noloshoodu qiimo malaha’e”
Markii Aqalka Cad laga codsaday jawaab ku saabsan duqeynta Jamaame, ku-xigeenka afhayeenka Anna Kelly waxay weydiisay in Guardian-ku sidoo kale ka hadli doono "khiyaanada ay sameeyaan Soomaalida Maraykanka ku nool?”
Kelly ayaa raacisay: "In fulinta sharciga iyo duqeynta argagixisada lagu tilmaamo 'midab-takoor' waa nooca fahamka doqonnimada ah ee qofku ka filan karo wargeyska The Guardian."
Warbixinta rasmiga ah ee Maraykanka ee ku saabsan duqeynta waa mid kooban oo aan caddayn. Bayaanka Africom kuma xusna wax dad rayid ah oo la dilay. Markii la weydiiyay inay bixiyaan qiimeynta khasaaraha weerarka, saraakiisha Maraykanka way diideen inay faallo ka bixiyaan. Sidoo kale ma aysan sheegin aqoonsiga shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday ama la dilay.
Macluumaad la'aantu ayaa khuseysa duqeymaha ka dhaca guud ahaan Soomaaliya. Bishii May ee la soo dhaafay, Africom waxay si ku-meel-gaadh ah u joojisay sii-deynta tirakoobka khasaaraha ee dalka. Sannad ka dib, welina waxay sii wadaan inay qariyaan ama ay hoos u dhigaan waxa dhacay.
Diidmada in la aqoonsado dhimashada rayidka waxay ka dhigaysaa mid aan suurtagal ahayn in qoysasku helaan jawaabo. Jalale Getachew Birru oo ka tirsan Acled wuxuu leeyahay: "Ma jiro hufnaan, mana jirto caddaalad marka rayid la dilo.”
Duqeymihii Jamaame waxaa taageeray ciidamo dhulka ah oo Soomaaliyeed, taasoo kordhinaysa suurtagalnimada in qaar ka mid ah burburka ay sababeen ciidankaas. Saraakiisha Maraykanka ma aysan ka jawaabin su’aalo ku saabsan doorka ciidamada Soomaaliyeed ee weerarka Jamaame.
Laakiin markhaatiyo la isku waafaqay waxay muujinayaan in gantaallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ku ay laayeen inta badan dakan rayidka ah. Maryan Xaaji Cabdi Guuleed sheegtay inaysan suuro-gal ahayn in qaraxyadaasi ay ka yimaaddeen hoobiyeyaal.
Buruuji ayaa yiri: "Gabadhayda uma dhiman dagaal laakiin waxay u dhimatay gantaal ka yimid cirka. Firir ka yimid gantaal ayaa ku dhacay naaska iyo qoorta. Sidaas ayaanay ku dhimatay”
"Ma seexan karno sababtoo ah guuxa weyn ee matoorada diyaaradaha drones-ka ayaa dushayada ka yeeraya. Habeen kasta korkayaga ayay wareegaan,” ayuu yiri Maxamed.
Qoysaskan ay dhibaatadu soo gaadhay midkoodna weli lamay soo xiriirin saraakiisha Maraykanka ama dowladda Soomaaliya.
Raalli-gelin waxay u muuqataa mid aan suurtagal ahayn, inkastoo fashilka muuqda ee ah in si sax ah loo kala saaro rayidka uu noqon karo jebin sharciga caalamiga ah. Magdhow sidoo kale isna wuxuu muuqdaa mid aan suurogal ahayn. Maraykanku wuxuu haystaa miisaaniyad $3 milyan sanadkii ah oo loogu talagalay magdhowga rayidka ee ku dhinta duqeymaha, balse lama bixin wax lacag ah oo la siiyey qoysaska Soomaaliya.
"Waxaan codsanayaa magdhow ku saabsan dhibaatadii loo geystay qoyskayaga. Xitaa ma haysto wax aan cuno," ayuu yiri Buruuji.
Geedow Ibraahim wuxuu rabaa jawaabo ka hor magdhowga, waxaanu yiri "Waxaan u baahannahay inaan ogaado sababta carruurtayda loo duqeeyay markii ay ka soo laabanayeen dugsiga Qur'aanka."
Maryan Xaaji Cabdi Guuleed ayaa iyaduna tiri: "Waxaan ka codsanayaa Maraykanka cadaalad iyo magdhow wixii ku dhacay carruurtayda."
Dadka qaar ayaa ka tagay Jamaame ka dib duqeymihii. Laakiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa muddo bilo ah ku dul gaaf-wareegayay magaalada, iyagoo kormeeraya waddooyin madhan. Joogitaankooda joogtada ah iyo cabsida ay keenaan, ayaa nolosha ka dhigay mid aan loo dulqaadan karin.
"Kama seexan karno guuxa weyn ee matoorada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn awgood. Habeen walba waxay dul heehaabaan korkayaga. Markaan isku dayno inaan seexanno, waxaan ka baqeynaa in nala dilo," ayuu yiri Maxamed. Waxa kale oo uu xasuustay caruurtii la xasuuqay waxaanu yiri, "Ma jirin meel la qabsado sababtoo ah waxay u kala go'een cad-cad... waan ooyaa"
Guud ahaan koonfurta Soomaaliya, hawlgallada Maraykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxay u muuqdaan in aanay saamayn weyn yeelan. Halista kooxda ayaa sii xoogaysatay. Waxaanay jihaadiyiintu ay gaareen meel 20 mayl u jirta caasimadda.
"Haddii ujeedadu tahay in la burburiyo Al-Shabaab, waxaa si cad u muuqata in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ku aysan si gaar ah waxtar u lahayn," ayuu yiri David Sterman, oo ah falanqeeye ka tirsan machadka New America.
Qaar ayaa ka digaya in istiraatiijiyadda Trump ee Soomaaliya ay dhab ahaantii noqon karto aalad qoranaysa oo al-Shabaab u keenta taageerayaal cusub.
Maxamed wuxuu sheegay in mar walba maskaxdiisa si joogto ah usoo cel-celinayso daqiiqadihii naxdinta lahaa ee uu ku qaatay raadinta qaybaha jidhka ee caruurtii yar-yarayd ee afarta ahayd ee uu awowga u ahaa.
Waxay ahaayeen kuwo aad u sibibix badan, ayuu yiri, oo mar walba ka siibanayay gacmihiisa. "Ma jirin meel la qabsado sababtoo ah waxay u kala go'een cadad."
Wuxuu ku sifeeyay jirkiisa inuu yahay mid "gubanaya", isagoo u dhaxeeya murugo iyo tiiraanyo. "Ma garanayo inay tahay xanuun ama cadho. Sidaas darteed waan ooyaa.” Ayuu yiri.
"Carruurtaydii aan awowga u ahaa waxay jeclaayeen barashada Qur'aanka. Maalintoodii ugu dambeysay, xitaa ma aysan helin fursad ay ku qureecdaan.”
Warbixintan murugada badan, ayaa kusoo aadaysa, iyadoo saacado ka hor la baahiyey sawirro muujinaya khasaaraha ka dhashay duqaymo ay diyaaradaha Maraykanka isla usbuucan gudihiisa ku beegsadeen shacabka magaalada Kunruwaarey ee gobolka Shabeellaha hoose.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
