DHEAGYSO: Dagaalyahankii 4-aad oo soo hadlay isagoo ka dhex dagaallamaya Godka Jilicow + XOG CUSUB.

Saturday October 04, 2025 - 22:40:14
Liibaan Jeexoow
Idaacadda Andalus ayaa goor dhawayd baahisay codka dagaalyahankii 4-aad oo ka mida xoogagga la wareegay gacan-ku-heynta Godka Jilicow.
Waxa uu sheegay in weerarkaasi ay ku daah-fureen hawl-gal naf-hur ah. isla markaana ay ku guulaysteen in ay la wareegaan, ilaa haatanna ay gacanta ku hayaan.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay u dagaallamayaan sidii ay u kor-yeelli lahaayeen kalimadda Tawxiidka iyo u nusraynta mustadcafiinta.

Dhammaan qalabkii halkaa u yaallay Kooxda jawaasiista ee NISA ayuu sheegay in dhulka ay la simeen oo ay burburiyeen.

Dhinaca kale hawl-galku weli waa uu socdaa waxaanu gelayaa saacaddiisii shanaad. Waxaanay xaruntan oo kaabiga ku haysaa madaxtooyada Villa Somaliya, gacanta ku haya jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo maleeshiyaadka kala duwan ee Gurguurte ay isku dayeen inay weeraraan halkaasi ayaa dhammaantood ku fashilmay, waxaana gootaasi laga saaray qaar ka mida maleeshiyaadkaasi, gaar ahaan Haramcad.

Haatan ma jirta rasaas culus oo halkaasi ka dhacaysa, waxaana si buuxda gacanta ugu haya jihaadiyiinta, iyagoo maleeshiyaadkuna ay foodda gelin kari la’yihiin xaruntaasi.

Maxaabiis badan ayaa halkaasi laga sii daaayay, qaarkood waa ay ka baxeen halkaasi, halka qaar kalena loo qaybiyey hub kala duwan, kuwaas oo ka barbar dagaallamaya jihaadiyiinta.

Related Items

Update cookies preferences