Xaalad qoob gariir ah ayaa ka taagan inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Sacuudiga kadib markii ay kooxaha Xuuthiyiintu ballaariyeen weeraradooda ka dhanka ah nidaamka Aala Sacuud.
Magaalooyin ay ka mid yihiin Jiddah iyo Yanbuc ayaa laga yeeriyay seeriga digniinta sababa laxiriira diyaarado Drones ah oo hawada soo galay.
Dowladda Aala Sacuud ayaa digniino isdaba joog ah soo saaraysa arrinkaas oo cabsi ku beeray malaayiin qof oo ku dhan dhulka Xarameynka.
Dekadda weyn ee magaalada Yanbuc ayaa qarka usaaran in ay xiranto kadib markii ay kooxaha Xuuthiyiinta ku beegsadeen sawaariikh iyo diyaarado aan duuliye laheyn.
Waxaa la fasaxay kumanaan shaqaale ajaanib ah oo ka howlgelayay warshadaha shidaalka sifeeya iyo xarumaha laga dhoofiyo batroolka arrinkaas oo sababay hoos udhac dhaqaale oo baaxad leh.
Sacuudi Carabiya ayaa qaar ka mid ah macaamiisheeda saliidda Yurub u sheegtay in la joojiyey shixnadihii saliidda ee Sebtembar sanadkan 2026.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qaar ka mid ah macaamiisheeda ku sugan Yurub ku wargelisay in la baajiyey shixnado saliid ceyriin ah oo qorshuhu ahaa in la raro dhammaadka bisha Sebtembar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay saddex ilo-wareed.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Sacuudi Carabiya ay xirtay dhuumaha Bariga–Galbeedka kaddib weerar toddobaadkii hore lala beegsaday dhuumahaas.
Sidoo kale Aala Sacuud waxay wajahaysaa caqabado dhanka gaadiidka badda ah, kuwaas oo la xiriira weerarrada Xuutiyiinta Yemen ee ka socda agagaarka Badda Cas.
Waxaa intaas dheer, waxaa weli jira qalalaase iyo carqalado saameynaya maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida ee lagu qaado shidaalka iyo badeecooyinka kale ee tamarta.
Gaashaanlle Sare Yaxye Assariic oo ah afhayeenka melleteri ee Xuuthiyiinta ayaa maalintii Isniinta iclaamiyay in maraakiibta Sacuudiga laga mamnuucay adeegsiga marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
