Itoobiya oo lagu eedeeyey inay damacsan tahay qabsashada qaybo ka mida dhulka Suudaan.

Tuesday September 15, 2026 - 16:28:54
MeMO Staff
Ciidanka millateriga Suudaan iyo maleeshiyaadka ay dagaallamaan ee RSF, ayaa dalalka la kala safan labadooda dhinac ay sii xoojinayeen muddooyinkan dambe faragelinta ay ku hayaan dhinacyada ay kala taageerayaan, iyadoo Itoobiya arrintaasi ay si weyn uga soo dhex-muuqatay.
Waxa hadda si weyn isha loogu hayaa Itoobiya, halkaas oo lagu arkay hub urursi aan hore loo arag oo ka socda saldhigga Asosa ee ku yaal galbeedka Itoobiya una dhow xuduud-beenaadka Suudaan, kaas oo maleeshiyaadka RSF iyo xulafadoodu u adeegsadaan hawl-gallada aagga dagaalka ee gobolka Niilul-azraq ee gudaha dalka Suudaan.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, gudaha Itoobiya waxaa sidoo kale ka dhacay isku-socod diyaarado ah oo aan hore loo arag, kaas oo hub badan lagu geeyay saldhigga Asosa ee ay RSF ka hawlgasho.

Hub urursiga ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka gudaha Itoobiya uu halis ugu jiro inuu cirka isku shareero, halka xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay sii kordhayso. Iyadoo arrintani ay kordhinayso walaaca laga qabo in colaado kala duwan ay saameeyaan xuduud-beenaadka bari ee dalka Suudaan.

Xaaladdan ayaa la sheegay inay qayb ka ahayd duruufihii ku xeernaa booqashadii uu 4-tii bishan Sebtembar taliyaha ciidamada Suudaan Janaraal Cabdul-fataax Al-Burhaan ku tegay Asmara, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Kulankii Burhan iyo Afwerki kadib, ilo amni oo Eritrean ah ayaa warbaahinta Madaa Masr u sheegay inay ka wada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa in dagaalka Suudaan uusan ugu gudbin dhulka Eritrea.

Asmara waxay aaggan u aragtaa meel ay suuragal tahay in dagaalka Suudaan uu ugu gudbi karo gudaha Itoobiya, maadaama ciidamada Suudaan, ciidamada Itoobiya, kooxaha hubeysan ee Itoobiya iyo shabakadaha sahayda ee xuduudaha isaga gudbaa ay ku sugan yihiin dhul aad isugu dhow.

Sidaas darteed, isbeddel kasta oo ku yimaadfa xaaladda militari ee ka aloosan gobolkan wuxuu si fudud u saameyn karaa ayaa la yiri, dhinacyada kale, taasoo kordhin karta khatarta ah in colaaddu ku faafto jihooyin cusub oo hor leh.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Isaias wuxuu Burhan ka doonayay dammaanad ah in dhulka Suudaan uusan gacanta u gelin ciidamo ay Itoobiya ama xulafadeedu mustaqbalka uga faa’iideysan karaan inay cadaadis ku saaraan Eritrea.

Si taas loo xaqiijiyo, madaxweynaha Eritrea wuxuu Burhan ku cadaadiyay in militariga Suudaan uu si dhow ula socdo xuduudda, gacantana ku hayo marinnada laga gudbo, lana wadaago xogta sirdoonka ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo kooxaha hubeysan.

Waxa kale oo ilahani ay ka sanqariyeen in Isaias uu Burhan u sheegay in Asmara ay si dhow ula socoto qorshayaasha iyo heshiisyada dibadda ee ka dhex samaysmaya dhinacyada ku lugta leh dagaalka Suudaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageero militari iyo dadaallo siyaasadeed.

Madaa Masar waxay sheegtay in haddii uu qarxo dagaal ballaaran oo Itoobiya ku lug yeelato, Suudaan iyo Eritrea midkoodna uusan ballanqaadin tallaabada uu qaadi doono, inkastoo arrintaas lafteedu ay ka mid ahayd qodobbadii looga hadlay kulankii Asmara.

Il-wareed siyaasadeed oo dhinaca Suudaan ah, xog’ogaal-na u ahaaa wadahadallada iyo isku-duwidda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Asmara iyo Khartuum, ayaa sheegay in jawaabta Suudaan ay ahayd in mowqifkeedu ku xirnaan doono inta ay Itoobiya sii waddo faragelinta iyo taageerada saadka ee ay siiso kooxda RSF.

Janaraal Yaasir Al-Cataa, oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada Suudaan, ayaa si toos ah ugu eedeeyay Itoobiya inay doonayso inay ka faa’iidaysato dagaalka ka socda Suudaan si ay ugu fiddo gudaha dhulka Suudaan, isla markaana ay ula wareegto goobo xuduudaha ku yaalla.

Waxa uu sidoo kale isku xiray eedeymo hore oo Khartuum u jeedisay Addis Ababa oo ahaa inay taageerto maleeshiyaadka RSF iyo waxa uu ku tilmaamay qorshe Itoobiya ay ku doonayso inay ku gaarto biyaha Badda Cas.

Eedeymaha Al-Cataa ayaa yimid xilli magaalada Damaziin, oo ah caasimadda gobolka Niilul-Azraq ee xuduud-beenaadka la leh Itoobiya, uu habeen dhawayd la kulmay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, kaas oo mas’uuliyiinta deegaanka ay ku eedeeyeen RSF.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada ka socda magaalooyinka Qaysaan, Al-Karmak iyo deegaannada ku dhow soohdin-beenaadka Itoobiya.

Al-Cataa oo Axaddii wareysi siiyay wargeyska kasoo baxa dalka Masar ee Ash-shuruuq, ayaa sheegay in Itoobiya, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xaaladda dagaalka, ay doonayso inay la wareegto dhul iyo goobo ka tirsan waddanka Suudaan.

Meelaha uu Janaraalku tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah, Al-Fashaqa, Jabal Xalaawa, Qaysaan, Al-Karmak iyo Damaziin. Waxaanu uu Addis Ababa ku eedeeyay inay taageerto RSF, isla markaana ay oggolaanayso in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo la xiriira dagaalka.

Waxa uu ka digay in haddii Itoobiya ay la wareegto Al-Fashaqa iyo Damaziin, ay taasi qayb ka noqon karto qorshe ballaaran oo Itoobiya ay ku doonayso inay ku gaarto Badda Cas. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Khartuum aysan oggolaan doonin in qorshahaas la fuliyo.

Hadalka taliyaha guud ee Ciidanka Suudaan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay sii xoojinayso damaceeda gurracan ee ay ku doonayso inay ku hesho marin ay kaga baxdo dhanka badda, kaddib markii ay noqotay dal aan bad lahayn tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay sannadkii 1993-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bishii Febraayo ee la soo dhaafay, isaga oo ka hadlayay baarlamaanka, mar kale sheegay in dalkiisu ku adkeysanayo helitaanka marin Badda Cas ah, arrintaas oo uu tilmaamay in ay tahay xuquuq qaran oo ka maqan Itoobiya.

Doodda gobolka ee ku saabsan damaca bad-raadiska ah ee Itoobiya ayaa sii xoogeysatay maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii safiirka Yahuudda u fadhiya Addis Ababa uu sheegay in dalkiisu taageerayo dadaallada Abiy Axmed uu ku raadinayo marin Badda Cas ah. Mowqifkaas ayaa dhaliyay falcelin iyo xiiso goboleed oo dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Janaraal Al-Cataa ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay inay oggolaanayso in diyaaradaha Drones-ka laga soo duuliyo garoomo ku yaalla gudaha Itoobiya loona diro Suudaan. Waxa uu sheegay in Khartuum ay hayso sawirro dayax-gacmeed, xogo sirdoon, iyo sidoo kale caddeymo uu sheegay in laga helay baaritaanka diyaarado Drones ah oo ay soo rideen ciidamada Suudaan.

Hadalladan ayaa ku soo beegmay weerar ay diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen Damaziin, oo ah caasimadda gobolka Nuulul-Azraq, saacadihii hore ee Isniintii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa hubka lidka diyaaradaha iyo qaraxyo. Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada, halka baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada dab ka kacay oo lagu sheegay inay ka dhaceen Damaziin.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaalladu ay ku sii xoogeysanayaan gobolka Niilka Buluugga ah, halkaas oo ay ku hardamayaan ciidanka Suudaan iyo kooxda RSF oo ay la jiraan maleeshiyaad kale oo dhawaan ay isbahaysteen, iyadoo dhammaan kooxahaas ay dagaalka kaga qayb qaadanayaan isbahaysiga "Ta’siiis”, oo ay hoggaamiso RSF.

Dagaalladu muddooyinkii dambe waxay si gaar ah uga dhaceen Qaysaan iyo Al-Karmak iyo deegaannada ku dhow xuduud-beenaadka Itoobiya. Ciidanka Suudaan ayaa gobolka geeyay ciidamo dheeraad ah, iyagoo isku dayaya inay joojiyaan horumarka dhinacyada kasoo horjeeda, sugnaanna amniga Damaziin iyo inay dib ula wareegaan deegaannadii ay horey u lumiyeen.

Sabtidii iyo Axaddii lasoo dhaafay deegaanka Jabal Kadam, oo bariga ka xiga Al-Karmak isla markaana ku dhow xuduudda Itoobiya, waxaa ka dhacay dagaallo culus. Ciidanka Suudaan ayaa markii dambe sheegay inay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen maleeshiyaadka RSF, ayna qabsadeen 17 gaari oo kuwa dagaalka ah, halka shan baabuur oo kalen ay sheegeen in ay burburiyeen.

Ciidamada Suudaan sidoo kale waxay sheegeen inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo deegaanka kasoo gashay ayay yiraahdeen, dhanka xuduudda Itoobiya.

Khartuum waxay horey Addis Ababa ugu eedaysay inay RSF siisay fududeyn militari oo dhinaca saadka dagaalka ah, isla markaana ay oggolaatay in dhulkeeda loo adeegsado in laga gudbiyo dagaalyahanno, qalab ciidan, iyo in laga fuliyo hawlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Eedeymahan ayaa sii xoogaystay kaddib markii dhowr bilood ka hor, wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa xog laga helay siddeed ilo-wareed iyo sawirro dayax-gacmeed, ay sheegtay in Itoobiya ay gobolka Biniishangul-Gumuz ee xiga dhinaca Suudaan ka dhistay xero lagu tababaro kumannaan maleeshiyaad ah oo loo diyaarinayo RSF.

Baaritaanku wuxuu sidoo kale sheegay hawlo la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka socday garoonka diyaaradaha ee magaalada Asuusa, oo ah xarunta gobolka Biniishangul-Gumuz oo dhaca galbeedka Itoobiya ee dhinaca xuduud-beenaadka Itoobiya.

Wargeyska Ash-sharqul Awsad ayaa sheegay in dedeymaha cusub ee Janaraal Al-Cataa ay mar kale Al-Fashaqa gelinayaan xudunta xiisadda u dhaxaysa Suudaan iyo Itoobiya. Al-Fashaqa waa dhul beereed ay Suudaan leedahay oo wax-soo-saarkiisu aad u fiican yahay, kaas oo tobannaan sano Itoobiya ay ku muransanayd si ay u qabsato.

Khilaafku wuxuu sii xoogaystay dabayaaqadii 2020, markii ciidanka Suudaan uu dib ugu fiday inta badan deegaannada Al-Fashaqa, xilli uu socday dagaalkii Tigray. Arrintaas waxaa xigtay iska horimaadyo hubaysan oo dhowr ah oo dhex maray ciidamada Suudaan iyo Itoobiya.

Hadalladan ugu dambeeyay ee Janaraalka Al-Cataa waxay bannaanka u soo saarayaan xiisad hor leh oo in muddo ah huursanayd, taas oo ah damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay kula wareegto qaybo ka mida dhulka bari ee dalka Suudaan.

Damaca Itoobiya ee dhinaca Suudaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhanka kalena Addis Ababa ay xoog ku haysato qaybo ka mida dhulka Soomaaliya, isla markaana si isa soo taraysa muddooyinkii u dambeeyey u caddeyneysay in xaqiijinta damaceeda marin-badeed uu u yahay hadaf istiraatiiji ah, iyadoo si gaar ah diiradda ugu haysa xeebaha Soomaaliya iyo Eretriya.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences